Madaale oo hortegay baarlamaanka iyo arrimo xasaasi ah su’aalo laga weydiiyey

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta hortegay guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka, isagoo wajahay su’aalo adag oo laga weydiiyey xaaladda Muqdisho.

Sidoo kale guddiga ayaa guddoomiye Madaale u qabsaday sababta uu ugu gefay xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda oo uu ku tilmaamay kuwo baahan, wuxuuna Madaale mar kale arrintaas galabta ka bixiyey raali gelin.

Sidoo kale, qaraxii dadka shacabka ah lagu laayey ee ka dhacay xeebta Liido ayaa su’aalo laga weydiiyey Madaale iyo dhibaatooyinka kale ee ka jira magaalada.

Xildhibaanada guddigaas ku jira ayaa guddoomiyaha su’aalo badan ka weydiiyey dib u dhaca ka jira caasimada ee dadka reer Muqdisho ay dareemayaan.

Kulankaan waxaa loo diiday warbaahinta wuxuuna ahaa mid ay Albaabadu u xiran yihiin, taasi oo yareysay xogta laga heli karo, warbaahintii u tagtay inay soo tebiso ayaa lagu wargeliyey inay iska laabtaan.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha ee golaha shacabka Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhamaaday ayaa yiri, “Anaga oo ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Maamulada BJFS waxaan la kulanay Wasiirka arrimaha gudaha iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir, kulanka waxaan uga hadalnay weerarkii Khawaarijtu ku qaaday shacabkii ku sugnaa xeebta Liido”.

Guddiga ayaa isla maanta u yeeray wasiirka arrimaha gudaha, sida uu cadeeyey Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye waxaana la weydiiyey su’aalo lamid ah kuwa Madaale la weydiiyey.

Guddoomiye Madaale ayaa xiligaan la kulmaya cadaados adag, maadaama magaalada Muqdisho ay ku nool shahay bulsho badan caqabado badana ay ka jiraan, xiliyada qaraxyadu dhacaan iyo markii Roob da’o waxay Muqdisho gashaa xaalad xasaasi ah, taas oo indhaha bulshada ku soo jeedisa guddoomiyaha.



Source link