Macallimuu oo soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan baarlamaanka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo qoraal soo saaray ayaa soo bandhigay fadeexo wayn oo ka taagan xarunta baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa waxa uu banaanka keenay in nadaafad darro iyo dayac wayn uu ka jiro musqulaha ay isticmaalaan xildhibaannada, ee ku yaalla xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Macallimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay jirto lacag bil walba laga jaro xildhibaannada, taas oo gaareyso kumaanaan doollar, haddana aan waxba lagu qaban.

Xildhibaanka ayaa soo jeediyay in arrintan lagula xisaabtamo guddoonka sare ee golaha, isaga oo ku dooday in lacagtan ay wax badan u tari lahayd ciidamada Soomaaliyeed.

“Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $ . 275×100=27,500 bishii . Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta” ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay”.

Sidoo kale xildhibaanka ayaa sheegay in xittaa aanay shaqeyneynin tubooyinka ku jira musqulaha xarunta baarlamaanka, isla markaana aysan jirin cid nadiifsa ama ka shaqeysa suuliyada ay isticmaalayaan xildhibaannada iyo shaqaalaha baarlamaanka.

Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa guddoonla sare ku eedeeyay dayac badan, wuxuuna farriin u diray xafiiska hantidhowrka guud oo uu ka dalbaday inuu arrrintan soo farogeliyo, si loo ogaado halka ay ku baxaan lacagaasi.

“Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo. Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa!,” ayuu mar kale yiri Macallimuu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadkan uu furmay kalfadhigga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ku bilowday dood xoogan iyo xildhibaanno ku dhawaaqay mucaarad cusub iyo inay la xisaabtamayaan guddoonka iyo xukuumadda.



Source link