Macalin Mahdi oo shaaciyay sabab yaab leh oo askarta ku kalifta dhaca shacabka

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha qeybta booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa shaaciyay sababta ka dambeysa dhaca ay askarta qaar u geystaan dadka shacabka ah.

Taliyaha ayaa sheegay in dhibaatada noocan ah uu ka dambeeyo qamaarka 1xbet, isaggoo walaac ka muujiyay sida daran ee askarta dowladda qaarkood ay u isticmaalaan qamaarkan.

1xbet ayaa noqday sababta u weyn u yahay ee ka dambeeya kororka fal dambiyeedyada ka dhex dhaca askarta dowladda, sida uu shaaciyay taliyaha booliska gobolka Banaadir.

Taliyaha ayaa sheegay askar badan markii ay helaan mushahaarkooda, inay ku isticmaalaan 1xbet, kuwaas oo marka uu ka dhamaado u dhaqaaqa dhaca shacabka, si ay u helaan dhaqaale ay ku cayaaraan isla qamaarkn, taas oo dad badan la yaab ku noqotay.

“Khamaarkan markii ay ku ciyaaran mushaharkooda iyo qoryahooda iyagoo ka bilaabaya wax ka yar shan ama toban dollar, waxay galaan falal dambiyeedyo, sida dhaca moobilafa iyo xitaa inay dilaan dadka diida inay dhiibaan telefoonadooda,” ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Dowladda tallaabo adag ayey ka qaadi doonta khamaarkan iyo askarta isticmaasha.”

Taliyaha ayaa ugu dambeyntiina xaqiijiyay in dowladda federaalka ay qaadayso tallaabooyin ay arrintan wax kaga qabanayso, iyada oo dhaqan-gelinaysa mamnuucidda barnaamijyada khamaarka oo ugu horreeyo kan loo yaqaano 1xbet.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey usoo saartay amar lagu mamnuucayo 1xbet, kaasi oo si weyn u saameeyay dhalinyarada Soomaaliyeed, marka laga imaado askarta oo iyagu shaqo muhiim ah u igman, hase ahaate ma noqon mid dhaqan-gal ah.



Source link