Maamulka Somaliland oo walaac ka muujiyay taageerada beesha caalamku siiso DF

Posted on

Somaliland ayaa shaaca ka qaadday in taageerada caalamku siiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay khatar ku tahay iyaga, iyagoo  tusaale u soo qaatay dagaalkii Laascaanood oo ay sheegtey inay la dirireen ciidamo tababar ka haysta Mareykan iyo Imaaraad

Hargeysa waxa ay tilmaantay in ay imminka xulufo la noqon doonto; waddamada Shiinaha, Iran iyo Ruushka, si ay uga hortagto Muqdisho, sidaasi waxa lagu sheegey warbixin ka soo baxay Millateriga Somaliland.

“Deeqaha dhaqaale iyo tababarka ciidamada ee Waddamada Galbeedka iyo Carabtu ay siiyaan Soomaaliya waxay khatar ku yihiin amaanka Somaliland, askar ay tababareen waddamada Maraykanka iyo Imaaraatku ayaa waxay qayb ka ahaayeen dagaalkii Laascaanood, taasi oo sababtay in ay magaaladu gasho xaalad hubanti la’aan ah” ayaa lagu yiri warbixinta

Waxay warbixintu tilmaamtay in magaalada Laascaanood ay gacanta ugu jirto xoogag argagixiso qayb ka tahay, kadib markii ciidamadadii loo tababaray Soomaaliya, iyo taageeradii dhaqaale ee la siiyayba loo isticmaalay in Somaliland lagu burburiyo.

“Aqoonyahano badan ayaa aaminsan in taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya ay sababi karto dagaal balaadhan hadii Soomaaliya ay soo weerarto Somaliland, dagaalka Laascaanood waa calaamad walaaceeda leh, iyadoo askartii ay tababareen Eriteriya iyo Maraykanka iyo argagixiso ay la dagaalamayan Somaliland” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland

Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay xulufo la noqon doonto waddamada Shiinaha, Iran iyo Ruushka hadii xisbiyada mucaaradku doorashada ku guulaystaan, taasina lagaga hortagi karo kali ah in Reer Galbeedku ay hantaan qalbiyada shacabka Somaliland.

Source link