Maamulka Masjidka Cali Jimcaale oo war culus kasoo saaray arrintii carada dhalisay

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maamulka Masjidka Cali Jimcaale ayaa war xasaasi ah kasoo saaray caro ka dhalatay qoraal uu bartiisa Facebook-ga soo dhigay wadaad lag magacaabo Ibraahim Cabdicasiis Faarax (Ciyow), kaas oo la sheegay inuu kamid yahay culimada masjidka, wuxuuna qoraalkaas ugu gefay caalimkii waynaa ee Sheekh Cusmaan Xiddig oo shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Maamulka Masjidka ayaa iska fogeeyay hadalka ninkan, wuxuuna sidoo kale sheegay in aanu kamid ahayImaamyada rasmiga ah ee Masjidka Cali Jaamac ee magaalada Muqdisho.

“Maamulka Masjidka Cali Jimcaale wuxuu cadeynayaa in uusan Ibraahim Ciyow kamid ahayn maamulka, Imaamyada rasmiga ah iyo Macallimiinta masjidkaba, Masjidkuna masuul kama aha fikirka qof gaar ah oo aan masjidka shaqo ku lahayn, Wuxuu maamulka masjidku ku baaqayaa in la hubsado waxa la baahinayo loogana baqo Allaah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka laga soo tago warka kasoo baxay maamulka Masjidka, waxaa jira muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada oo muujinaya Ibraahim Ciyow oo khudbado ka jeedinayo gudaha Masjidka Cali Jimcaale, taas oo iyana dhalisay su’aallo iyo shaki kale.

Arrinta carada dhalisay ayaa ah in Ibraahim Ciyow uu sheegay in marxuumka uu qoray kutubo ka hadlayo waxyaalo shirki ah, isaga oo xusay in maalmaha soo socda la arki doono, ayada oo la caabudayo qabriga Sheekh Cismaan Xiddig, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale isla Ibraahim Ciyow ayaa mar kale soo hadlay, wuxuuna faah-faahiyay hadalkiisa carada dhaliyay, balse ma bixin wax raalli-gelin ah.

Hoose ka akhriso:-

Bismillaah .

Qoraal aan xalay meeshaan kusoo qoray baa waxaa laga soo saaray waxyaaba badan oonan ku jirin sidaa darteed waxaan istusay inaan cadeeyo dhawr shaay :

  1. Waxaan ucudur daaranayaa Masjidka Cali Jimcaale oo magacayga lagu gaaray laguna aflagaadeeyay , anigu waxba kama ihi , maamul iyo imaam toona , wixii aan soo qoro aniga naftayda ayaan ku matalaa .
  2. Ma aaminsani , mana dhihin in sh cismaan xidig gaal yahay , mana gaalaysiin , in la dhihi karo allaha unaxariistana waa aaminsanahay … lkn kutub baan ka hadlay oo sheekha lafihiisa kamaba hadlin .
  3. Waxaan aaminsanahay in kutubta sheekha ay ku jiraan qaladaad badan gaarsiisan bidcooyin iyo shirkiyaat oon cadaynteeda qofka ubaahan aan siin karo .
  4. Waxaan arkay qoraalo iyo videos laleeyahay ; hala dilo iyo hala xiro iyo malalac noocaas ah waxaan leeyahay qoladaas : hadalkayga hadii aad si cilmi ah ugawada hadlayno waa gar waana ogolahay , lkn qaaqle iyo siyaasi saaqiday aniga waxba iiga cuni maayaan inay meelaha iga caayaan iyo hanjabaad , hadda ka hor ayaanba kusoo kacay ayadoo la leeyahay saakay uu gaalkacyo isku qarxiyay iyo hala dilo , walina waa noolahay .
  5. ugu dambayn: Xaqa allaha nafahmsiiyo oo nagu dilo … wixii kutubta ku qoranna si cilmi ah halooga wada hadlo , illeen kuma baaba’ayaan in la iscaayee .

wabillaahi tawfiiq .



Source link