Maamul goboleedkii ugu horreeyay oo ku gacan seeray go’aanka DF

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Maamulka Jubbaland ayaa noqday maamul goboleedkii ugu horreeyay ee ka horyimaada go’aanka dowladda federaalka ee ku aadan qaadista cabshuuraha iibka oo ay wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ku dhowaaqday inay bilaabi doono maalinta berri ah, taas oo dhan 5%.

Wasaaradda maaliyadda Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in aanay qayb ka ahayn tallaabadan,waxayna sheegtay in aan la tashi lagala sameynin.

Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay leedahay xeerad iyo nidaam u gaar ah canshuuraha, kaas oo la ansixiyay 2023-kii, isla markaana ay kaas ku dhaqmeyso.

Sidoo kale waxay ganacsatada Jubbaland ku wargelisay in uusan khuseyn go’aanka soo baxay, ayna sidooda u wataan howlahooda ganacsiga.

“Wasaaradda Jubaland waxay ogeysiineysaa dhammaan ganacsatada reer Jubaland in aysan khuseyn fulinta warqadda kasoo baxday waaxda dakhliga DFS, sidaas daraadeed waxaan ganacsatada reer Jubaland lagu wargelinayaa inay kusii shaqeeyaan oo kaliya qaababkii canshuur bixinta ee wasaaradda maaliyadda Jubaland ay horay usoo saartay” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo Khamiistii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dhowaaqday in maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay 18/08/2024 ay bilaabaneyso inay dowladda si toos ah u jarato canshuurta iibka.

Canshuurtan oo dhan 5% ayey sheegtay dowladda inay kala baxeyso koontooyinka ganacsi, isla marka uu macluumka uu bixiyo adeega uu iibsanayo, ayada oo lacagta canshuurta iibka lagu dalacayo muwaadiniinta.

Si kastaba, arrimahan aya kusoo beegmaya xilli ay weli dowladda iyo ganacsatada isku fahmi la’yihiin canshuurtan jarashadeeda loo marayo koontooyinkooda ganacsi, taas oo dhinaca kalena culeys horleh ku ah bulshada caasimadda ee aan helin adeeg dowladeed.



Source link