Lafta-gareen oo raajicinaya Axmed Madoobe – Maxaadan ogeyn oo socda?

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa sii xoogeysanaya wararka la xiriira in hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu ku dhaqaaqayo doorasho iskiis ah.

Ninkan oo dhexda uga jira sanadkii lixaad ee xukunka Koonfur Galbeed ayaa isku arka inuu weli fursad ahaan nool yahay, laakiin marwalba wuxuusan haysan kalsooni dhanka Xasan Sheekh ah, kaas oo la fahamsan yahay inuu dowladdiisa ku dhex diyaarinayo qofkii uu ku beddeli lahaa Lafta-gareen.

Dhamaan madaxda maamulladu hadda xiriir siyaasadeed oo qaas ah lama laha madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin danaha isku haya ayaa nin walba qiimeynaya cimrigooda.

Lafta-gareen waxaa dhowr jeer laga soo wariyay inuu doorasho qabsanaayo, laakiin weli waa ku dhici la’yahay. Waxaa mararka qaar lagu cabsi-geliyaa Lafta-gareen in dowladda Xasan Sheekh saameyn ku leedahay caasimada rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ee Baraawe, oo haddii uu doorasho qabsado mid kale halkaa lagu qaban karo.

Laakiin culeyska kale ee Lafta-gareen iska eegayo waa Sheekh Aadan Madoobe oo haddii loo baahdo lagu dhibi karo Lafta-gareen.

Xogihii ugu dambeeyay ee dhinaca Lafta-gareen waxay sheegaya in uusan weli ka tanaasulin damaciisa doorasho gaar ah, balse uu raajicinayo tallaabooyinka dhanka Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa dhawaan furtay dastuurkiisa, isaggoo baneystay inuu marwalba isa-sharaxi karo, wuxuuna meesha ka saaray qodobkii labada mar ku eekaynayay inta jeer ee hal qof loo dooran karo hoggaanka maamulka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa maalmahan wada guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, waxaa la sheegay in qorshihiisa uu yahay inuu daba-yaqaadda bishan ama horraanta August dhiso guddi doorasho kadibna is-doorto.

Cabdicasiis Lafta-gareen iyo inta kale ee madaxda maamullada ayaa dhamaan isha ku haya sida uu Axmed Madoobe u dhaqmo iyo waxa ay Villa Somalia sameyso.

Haddii Axmed Madoobe ku dhawaaqo guddi doorasho waxaa la filayaa in maamullada kalena ku dayan doonaan oo ugu horreeyo Lafta-gareen. Inta taas ka horreysa uma badna inuu Lafta-gareen keligiis bareeri karo.

Waxaa kale oo jira musharaxiin u taagan kursiga hoggaanka Koonfur Galbeed oo iyaguna eegaya dhinaca ay wax u dhacaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa waa fahamsan yihiin inay maamullada gaadmo ku jiraan oo ay xilli walba u dhaqaaqi karaan dhinaca doorasho dadban, taas oo haddii ay dhacdo burburin doonta wixii uu Xasan Sheekh dad badan kula kala dhintay una ogaaladay in dastuurkii dalka lagu tunto oo kuraasta iska fadhiyaan madax maamul goboleed oo uu muddo xileedkii marhore ka dhamaaday.

Wararka dheeriga ah ee arrimaha doorashooyinka la xiriira waxaa kamid ah in daba-yaqaadda bishan July la filayo inuu dhaco shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay madaxda maamullada sheegayaan inuu gebi ahaanba daarnaan doono arrimo doorasho, waana halka ay rabaan inay iyaga iyo Xasan Sheekh war cad kusoo kala qaatan.

Laakiin Villa Somalia oo fahamsan doonista maamullada ee shirkaasi ayaa la ogeyn sida ay daacad uga noqon doonto qabsoomida kulankaas iyo haddii ay mowduuca beddeli karto.



Source link