Lacag lagu abaal-mariyey ciidan dhowaan dilay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab (Sawirro)

Posted on




Guddoomiyaha Degmada Xudur ahna duqa Magaalada Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa maanta lacag Labo kun oo Doolar (2,000-Dollar) ku wareejiyey, Ciidamadii fuliyey howlgalkii lagu khaarijiyey mid ka mid ahaa saraakiisha sida daran u dhibaateyn jirey Bulshada iyo deegaanka.

Guddoomiye Cumar Cabdulaahi Maxamuud ayaa horey ugu balan-qaadey askarigii soo dila mid ka mid ah xubin ka tirsan Al shabaab inuu siin doono lacag gaareysa (2,000-Dollar).

“Wuxuu ahaa howlgal ay aad ugu farxeen Bulshada ku nool magaalada” ayuu yiri Gudoomiyaha, waxaana ku wehlinayey munnaasabadda wareejinta Lacgata,  Gudoomiye ku-xigeenka Degmada Xudur mudane Cali Xuseen Xasan iyo Taliyaha Guutada 9-aad ee qeybta 60-aad Yuunis Adan Hassan.

Deegaanka Garasweyne oo qiyaastii 50km u jirta Magaalada Xuddur. ayaa waxa lagu dilay dhowaan Malaaq Cabdullaahi Maxamed Yare oo afgarashadiisu ahayd Malaaq Qori kaasoo lagu eedeeyey inuu Al Shabaab u qaabilsanaa askareynta caruurta iyo dhibaateynta shacabka.




Source link