Kumanaan askari oo Itoobiyaan ah oo lug kusoo galay Matabaan xilli dowladda horey ugu…

Posted on

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta qeybo kamid ah gobolkaasi ay soo galeen kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, xilli dowladda Soomaaliya horey ugu baaqday in ciidanka Itoobiya dalka laga saaro.

Ciidamo badan oo lagu qiyaasay ilaa 4-kun oo askari oo wata gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in qaab lug ah maanta kusoo galeen degmada Matabaan, waxa ayna ciidanka kasoo gudbeen dhinaca xadka Hiiraan la wadaago Itoobiya.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Sheekeeye ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada Itoobiyaanka saraakiishooda ay la shireen, waxa uuna xusay in markii dambe ciidankaasi dib ugu laabteen dhinaca xadka.

Ciidanka Itoobiyaanka ee soo gaaray gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay daba socdeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab oo agaasi lagu sheegay sida laga soo xogtay saraakiisha ciidanka Itoobiyaanka ee maanta soo galay Matabaan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Hirshabelle ayaan wali si rasmi ah uga hadlin ciidankan Itoobiyaanka ah ee maanta dalka soo galay, mana jiro dowladda Itoobiya dhankeeda war arrintan ku aadan oo kasoo baxay.

Ciidankan Itoobiyaanka ah ee maanta xadka kasoo gudbay ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya horey ugu baaqday in dalka ka baxaan ciidanka Itoobiyaanka ah ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link