Koronto la’aan saameysay dalka Afrika ugu wax soo saarka badan shidaalka

Posted on

Koronto la’aan ayaa ka jirta Nigeria oo dhan kaddib markii shaqaalaha dowladda ay shaqada joojiyeen. Duullimaadyada Lagos ee tagayay Abuja ayey sidoo kale carqaladeysay koronto la’aanta. Sidoo kale waxaa la xiray iskuulada, xafiisyada iyo isbitaalada dalka oo dhan.

Korontada ayaa go’aday xalay abaarihii labadii habeenimo xiligaas oo xubno ka tirsan ururada ay horistaageen in shaqaalaha galaan qololka laga xukumo korontada.

Shaqo joojinta waxaa lagu dhawaqay kaddib markii wadahadallada dowladda ee la xiriiray mushaaraadka ay guuldaresteen. Ururada shaqaalaha ayaa sidoo kale dalbanaya in laga noqdo qiima kordhinta korantada ee dhawaan la sameeyay.

Ururada Shaqaalaha ayaa sidoo kale ugu baaqeen shaqaalaha caafimaadka, bangiyada, socdaalka iyo qeybaha kale ee dalka in ay joojiyaan shaqooyinka ilaa wargelin dambe.

Madaxweyne Bola Axmed Tinubu ayaa isku dayayay in uu jaro lacagta ay dowladda ku kabto. Sicir bararka sii kordhaya iyo qiimaha lacagta Nigeria ee Naira-da oo hoos u dhacday ayaa keentay in qiimaha kordho.`

Nigeria ayaa ah dalka ugu wax soo saarka badan shidaalka ee qaarada Afrika, waxaana dalkaas ka soo gala dhiifinta shidaalka balaayiin Dollar  hase ahaatee inta badan shacabka dalkaas waa faqri maalintii ku nool wax ka yar hal dollar, waxaana arintaas ugu wacan musuqa lagu sameeyo lacagta laga helo shidaalka oo si weyn u saameeyey dhaqaalaha dalkaas.

Source link