Kooxda Xamaas oo baahisay Fariin ka nixisay ehelada Maxaabiista Israel ee u afduuban

Posted on

Ciidamada Israel ayaa xoojiyay duqeymaha ay ka geesanayaan qeybo kamid ah magaalada Gaza, waxa ay sidoo kale duullaan xooggan ku qaadeen magaalada Rafah oo horey shacab badan oo Falastiiniyiin ah ugu qaxeen.

War kasoo baxay kooxda Xamaas ayaa lagu shaaciyay in uu lumay xiriirka ay la lahaayeen koox katirsanaa dagaalyahannadooda, kuwaa oo ilaalo ka hayay qaar kamid ah maxaabiista Isreal u afduuban Xamaas.

Afhayeenka garabka milatari ee Xamas ee Al-Qassam , ninka lagu magacaabo Abuu Cubeyda ayaa sheegay in uu lumay xiriirka koox katirsan ciidankooda oo si gaar ah ilaalo uga hayay afar maxbuus oo Isreal kasoo jeeda.

Waxa uu sheegay afhayeenka in duqeymo waxuushnimo ah ay geesteen ciidamada Isreal maalmihii lasoo dhaafay in ay sababeen in xiriirkooda lumo dagaalyahannadii ilaalada ka heysay afar maxbuus oo Isreal u dhalatay.

Warkan kasoo yeeray kooxda Xamaas ayaa si weyn uga nixiyay ehelada maxaabiista Xamaas gacantooda ku jira, waxaana la rumeysan yahay in duqeyta ku dhinteen kooxda Xamaas ee xiriirkooda la waayay iyo maxaabiistii ay haayeen.

Maxaabiista loo maleenayo in duqeynta lagu dilay waxaa ku jira Hersh Goldberg Pauline oo heesta dhalashada Isreal iyo Mareykanka, ninkan oo horey Xamaas muuqaalkiisa u baahisay ayaa si kulul u dhaliilay Ra’isul Wasaaraha Isreal uu ku eedeeyay dayacaad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link