Muqdisho (Wararka Maanta) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil argagax leh oo koox ciyaal weero ah xalay ay ka geysatay gudaha degmada Shibis ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyay walaac aad u xoogan oo soo wajahay dadka deegaanka.
Kooxda ciyaal weerarada ah oo ku hubeysanaa mindiyo ayaa wiil yar oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Xasan Maxamuud waxa ay ku dileen gudaha degmada Shibis, iyaga oo kadib goobta ka baxsaday.
Wararka ayaa sheegaya in wiilka yar lagu dhuftay dhowr mindi, kadibna uu u geeriyooday dhiig bax, ayada oo markii dambe maydkiisa la geeyay mid kamid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Gabar la dhalatay marxuumka oo u warrantay Dalsan TV ayaa sheegtay in dilka wiilkooda ay aad uga naxeen, waxayna tilmaamtay inuu aha arday dhigta fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.
“Wiilka walaalkey iga yar ayuu ahaa Allaha u naxariisto gacan ka xaq-daran ayaa dishay wuxuu ahaa wiil arday ah qolada dishay waxaa naloogu sheegay ciyaal weero” ayau tiri.
Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Hooyadiis way dhimatay, baadiyo ayaa laga keenay waxaa halkan loo keenay waxbarasho”.
Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi xanuunka badan.
Ciyaal weero ayaa u muuqda inay mar kale kusoo rogaal celiyeen gudaha caasimada, waxaana horay dagaal adag ula galay laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.