Koonfur Galbeed oo si yaab leh uga jawaabtay hadalkii odayaasha Hawiye

Posted on

Marka (Wararka Maanta) – Masuul ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo ka soo jeeda beelaha Hawiye ayaa maanta hadlay isagoo u jawaabaya odayaashii beelaha Hawiye ee sheegay in Koonfur Galbeed aysan ku laheyn wax metelaad ah, isla markaana Laftagareen uu u diiday xubnihii ay maamulkaas ku lahaayeen beelaha Hawiye.

Sarkaalka u hadlay Hawiyaha reer Koonfur Galbeed ayaa ku magacaaban Isku duwaha Maaliyada ee maamulka gobolka Sh/Hoose, waxaana lagu magacaabaa Mustaf Axmed Hilowle, wuxuu sheegay in shirkiisa jaraa’id ay qeyb ka yihiin masuuliyiin badan oo ka soo jeeda beelaha Hawiye oo xilal ka haya maamulak K/Galbeed.

Mustaf Hilowle ayaa ku gacan seyray hadalkii odayaasha Hawiye, wuxuuna sheegay in beeshaas ay xilal badan ka heyso maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Laftagareen, wuxuuna eedeyntaas ku tilmaamay waxba kama jiraan.

“Waxaan cadeyneynaa in hadalkii ka soo yeeray odayaasha beelaha Hawiye aysan waxaba ka jirin oo Koonfur Galbeed loo dhan yahay, masuuliyiinta Hawiye ku metesha maamulka K/Galbeed aniga ayaa kamid ah,” ayuu yiri isku duwe Mustaf Hilowle.

Wuxuu sheegay in hadii ay tabasho qabaan ay ku habooneed inay ayaga oo ku metela Koonfur Galbeed lasoo wadaagaan si ay maamulka ugu gudbiyaan.

“Iyagoo odayaal dhaqan ah inay yiraahdaan maamulkaas wax metelaad ah kuma lihin waan laga haboonaa, wax ka jirana malaha warkaas, waa arin siyaasadeed oo Koonfur Galbeed lagu beegsanayo,” ayuu yiri masuulkaan ka tirsan maamulka gobolka Shabeellada Hoose.

Odayaasha uu u jawaabay isku duwahaan waxay ka cabanayeen in Madaxweyne Laftagareen uu siiday in beelaha Hawiye ay qaataan kursiga madaxweyne ku xigeenka maamulkaas, maadaama dastuurku uu qorayo maamullada dhana ay leeyihiin madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Hoos ka daawo



Source link