KHEYRE oo Xasan ka dalbaday inuu raali-gelin ka bixiyo gefkii u geystay…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo saaray ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu u gefay dhalinyarada, isaga oo ka dalbaday inuu raalli-gelin ka bixiyo hadal uu shalay jeediyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jimcihii khudbad ka jeediyay masjidka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrinta dhaqaalaha, isaga oo ka jawaabay hadalheyntii jirtay maalmahaan ee Shiidka ama lacag la’aanta oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada.

“Kuwa maanta dhaqaale la’aanta ka cabanaya waxay iskugu jiraan kuwii khawaarijta lacagta u aruurin jiray, kii baraha bulshada dadka ka caayi jiray iyo kii wax xadi jiray oo dhammaan wax waaye ama ka yaraadeen wixii soo geli jiray mana ogolin waxaas,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Cali Kheyre oo qoraal soo dhgay bartiisa Twitter-a ayaa shaaca ka qaaday in hadalkaas uu gef ku yahay dhalinyarada oo uu tilmaamay inay cabireen oo kaliya duruufta ay la daala dhacayaan iyo shaqo la’aanta baahsan ee haatan haysata.

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan” ayuu qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.

Hoos ka akhriso jawaabta Kheyre:-

Dhallinyaradu waa kuwii shacabka Soomaaliyeed ka korqaaday heeryadii gumeysiga ee dalka u horseeday xurriyadda iyo midnimada, lafdhabarna u ahaa hayaanka dowladnimada, waligoodna u taagnaa dhismaha iyo horumarka dalka, maantana ku sugan furimaha dagaalka si ay u ciribtiraan khawaarijta.

Dhallinyaradu marti kama aha Soomaaliya ee waa milkiilayaasha dalka iyo madaxda mustaqbalka dhow. Halkii ay dowladdu rajo iyo shaqo-abuur u sameyn laheyd markii ay cabireen duruuftooda iyo shaqo la’aanta haysa, waxaa nasiibdarro ah in Madaxweynaha Dalku ku tilmaamay in ay yihiin dad baadda u aruuriya argagaxisada, shaxaad iyo borobogaandana lacago ku heli jiray.

Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu dhallinyarada ka raalligeliyo gefka iyo ijaafada uu kula kacay, si masuuliyad iyo xilkasnimo lehna u dhegeysto codka dhallinyarada, kana jawaabo dayaca iyo duruufaha xanuunka badan ee ay ka cabanayaan.



Source link