Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna beegsadeen xarumo cusub oo ay kooxda ka sameysatay deegaano u dhow magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Ciidamadan oo ka koobnaa Haramcad, Boolis Milataaro iyo ciidanka NISA ayaa waxa ay ku gaareen deegaanada Beerta Cali Mahdi, Sabyo iyo deegaanno kale oo isku xira gobollada Banaadir, Shabeelaha Hoose iyo Shabeelaha Dhexe.
Howlgalkan waxaa horkacayay taliyaha NISA ee gobolka Banaadir, Cabdifitaax Ibraahim Shaawey iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha degmada Dayniile Cumar Maxamuud Mahad Alle oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalkan, wuxuuna sheegay inay ku burburiyeen xarumo maxkamadeed iyo saldhigyo ay Al-Shabaab kulahaayeen halkaasi.
“Halkan waxaan ku joognaa ciidamada qaybihiisa kala duwan oo muddo 24 saac ka badan howlgal ka waday halkan, meesha aan hadda joogo waa maxkamad beenaadkii ee nimanka sharwadayaasha ah dadka ku dhibi jireen” ayuu yiri Cumar Maxamuud Mahad Alle.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaabkii dhuumaaleysiga ku joogay halkaasi lasoo afjaray, isla markaana hadda kadib aan la ogolaan doonin inay shacabka u cadaalad doontaan halkaasi.
Howlgalkan wuxuu yimid kadib markii ay dowladdu ka war heshay dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab oo usoo aag bedashay deegaanada ay maanta gaareen ciidanka ammaanka.
Al-Shabaab waxay sidoo kale Khamiistii shalay aagga Beerta Cali Mahdi ku xayireen ku dhowaad 40 gaadiidka dadweynaha ah, iyagoo ku xujeeyey inay dalbadaan damiin gudaha Al-Shabaab la yaqaano.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya waxaa la gudboon in kooxdaan aysan ka harin oo looga dabatago dhulka howdka ah ee u dhow degmada Afgooye, si khatartooda looga badbaadiyo shacabka Muqdisho iyo degmooyinka ku dhow, sida Afgooye.