Kadib dilka Ismaaciil Haniya, IRAN oo bilowday qorshe culus oo loogu aargudayo

Posted on

Tehran (Wararka Maanta) – Kadib shirqoolkii habeenkii Arbacada lagu dilay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismacil Haniyah, hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa wacad ku maray ciqaab adag iyo aar-goosi ka dhan ah Israel.

Haniyah ayaa la khaarajiyay xilli uu ku sugnaa guri ku yaalla magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran.

Inkasta oo aysan Israel si toos ah u sheegan dilka Ismacil Haniyeh, haddana Iran iyo Xamas ayaa ku eedeeyay in ay ka danbeyso dowladda Israel. Haniyah ayaa u tahay Iran ka qeybgalka munaasabaddi Talaadadii lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee Iran.

Iran ma aysan sheegin qaabka ay uga aargudan doonto Israel, hase yeeshee Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan Dowladda Iran oo ka dalbaday in aanan la magac-dhabin, ayaa sheegay, in Ayatullah Cali Qamaney uu ciidamada Iran ku amray in ay si toos ah u weeraraan Isra’il.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Israel Banjamin Netanyahu ayaa khudbad si toos ah looga baahiyay telefishannada oo uu u jeediyay shacabka Israel ku sheegay, in Israel ay dharbaaxo kulul ku garaacday xulafada Iran, oo ay ku jiraan Xamas iyo Xisbullah, hase yeeshee marnaba ma uusan soo hadal qaadin magaca Ismacil Haniyah.

Natanyahu ayaa ku hanjabay in ay si adag uga jawaabi doonaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Hadalkan ayaa imanaya xilli aad looga cabsi qabo in dagaalka Bariga Dhexe uu waji cusub yeesho, xilli ay aad u kacsan tahay xiisadda ka taagan gobolka, sida dagaalka Gaza, colaadda xadka Lubnan iyo Israel iyo weerar suuragal ah in Iran ay uga jawaabto dilki Ismacil Haniyah.

Qaramada Midoobay ayaa ku baaqday in xaaladda la qaboojiyo, halka Mareykanka uu sheegay in uu ka walwalsan yahay xiisadda sii hureysa ee gobolka Bariga Dhexe.



Source link