Kadib amarkii madaxweynaha, taliyaha xoogga oo maanta tallaabo qaaday

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo ay yeesheen  qaybaha kala duwan ee saraakiisha Xoogga dalka, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Kulankan aya daba socday amarkii madaxweyaha ee ku aadanaa xoojinta iyo dardargelinta dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka Al-Shabaab.

“Iyadoo laga duulayo xoojinta amarkii Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa  dardar galinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta ayaa maanta Taliyaha Ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin waxuu kulan la qaatay dhammaan hoggaanada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa kulanka kadib la faray dhammaan hoggaannada ciidanka Xoogga dalka in looga baahanyahay hoggaan walba inuu kordhiyo shaqadiisa, lagana doonayo inuu diyaar u noqdo waajibaad Qaran oo rasmi ah.

“Waxaan Taliska ciidanka ku soo kordhinay talisyo iyo hoggaana cusub, waxaana laga doonayaa inay qeyb weyn ka qaataan qorshaha socda ee ku saabsan dagaalka Argagixisada, dhismaha ciidanka, taakuleynta iyo sare u qaadista tayada ciidanka Xoogga dalka” ayuu yiri Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Qorshaha ayaa ah in mar kale dib boorka looga jafo ciidamada Xoogga dalka, si ay u qaadaan duulaan culus oo ka dhan ah Al-Shabaab oo wajigii koowaad ee dagaalka looga xoreeyay dhul ballaaran, kadib weeraro ay ku qaadeen Xoogga dalka iyo Macawiisleyda.

Soomaaliya ayaa haatan isku diyaarineyso inay la wareegto amnigeeda, marka ay baxaan ciidamada howlgalka ATMIS oo haatan si tartiib u wareejinayo mas’uuliyaddooda



Source link