Kaalin intee la eg ayuu Cali Guudlaawe ku lahaa hakinta kursigii Fahad Yaasiin?

Posted on

Buug la magac baxay Garsoore Garoon aan Sharci ka Jirin oo uu qoray Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Dadban ee loo yaqaanay FEIT Mudane Maxamed Xasan Cirro ayaa galabta lagu soo bandhigay magaalada Nairobi. 

Buuggan oo ka hadlaya dhacdooyin la yaab leh oo aan hore bulshada loogu soo tabin ayaa waxaa kamid ah kuwa ugu xiisaha badan Kursiga tirsigiisu ahaa 86 ee uu ku guuleystay Fahad Daahir Axmed balse  natiijadiisa la hor istaagay markii dambe, wuxuuna daaha ka rogayaa in Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe inuu ahaa shakhsiga qandaraaska kusoo qaatay hakinta kursigan, eedda ugu wayna uu isagu leeyahay. 

Bogagga 88 ilaa 94 ee buugga waxa uu qoraagu ku faahfaahinayaa shirqoolo loo abaabulay doorashada kursigan oo ay ka shaqeeynayeen qaar kamid ah ilaalada Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, iyadoo iskudaygaas fashilmay markuu uu dhagartaasi la wadaagay hay’adaha amniga oo xogtan uu usoo dusiyay askri ay ehel yihiin oo kamid ah kuwa loo xilsaaray inay fuliyaan dhagartaas. 

Buuga wuxuu kaloo iftiimiyay in ilaa 3 dowladadood oo uusan magacyadooda si toos ah uusan u sheegin ay siyaabo kala duwan dhaqaale ugu bixiyeen sidii looga hortagi lahaa in kursigan uu qaato Fahad Yaasiin, taasoo ka bilaabatay afduubkii Fahad loogu gaystay Jabuuti keddib markii diyaaraddii siday lagala dagay. 

Waxaan qeybahan hoose kusoo qaadanayaa sida buuga loogu qoray wada hadalladii dhexmaray Guddoomiye Cirro iyo xubin katirsan Guddiga Hirshabelle iyo telefoon dhex maray Fahad Yaasiin iyo Cali Guudlaawe. Hoos ka akhri qeyb kamid ah qoraalka buugga. 

“Sida qof walba ogyahay doorashada awoooddeeda waxay gacanta ugu jirtay Madaxda Maamul Goboleedyada, waana siday iyagu qorteen oon cid ka daba hadlin, mana dhici karin in kursi la xannibo, ayadoo aysan la soconin raalli ahaanshaha Madaxweynaha maamulkaas. Kursigaan waa kan keliya ee uu si toos ah isu hor taagay madaxweynihii lahaa, wuxuuna ahaa cabaqadda rasmiga ah ee ka danbaysay in la xannibo kursiga.

“Fahad oo ahaa qofka u tartamay, kuna guulaystay, wuxuu ka soo badbaaday dhowr shirqool oo uu ka mid yahay xanibaaddii garoonka Jabuuti. Waxaa kale oo jiray shirqoollo kale oo khatar badnaa. Inta xogaha iga soo garay arrinta shirqoolada wakhtigi tartanka doorshada uu ku jray waxaan ka sheegi karaa sheekadaan. 

“Gabalgaab qoraxdii ay wali soo jeedo, taariiqdana waa Febaraayo 17, 2022, waxaan ku sugnaa magalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga, xarun guryihii Boqoradii dowladdii Cismaaniyiinta oo dhismayaal qadiim ah oo dhagaxyo qalalan oo waaweyn ka samaysan oo buur dhakadeed ku taal. Saaxiibkay Axmed oo Turkiya igu soo dhoweeyey ayaa meesha i keenay, ujeedkuna wuxuu ahaa ogaanshaha goobaha taariikhiga ah. Annagoo meel kore oo furan taagan, dadyow kala dhalasho iyo midab duwan sawirro ku mashquulsan yihiin ayaa telefoonkayga dhowr mar soo dhacay, saaxiibkayga oo wax sharaxaya ayaanse ereyadiisa dhuuxayaa, halka uu hadba farta iigu fiiqo ayaan indhahayga u taagayaa. 

Telefoonkii wuu kala joogsan waayey, waana qabtay. Wuxuu noqday xubin muhiim ah oo ka tirsan Guddigii doorashada Hirshabeelle. Ima uusan salaamin, wuxuu ku celcelinayaa ma i maqlaysa, ma i maqlaysaa. Hadalkiisa waxaa ka muuqatay in culays badani haysto. Wuu degdegayaa, kala jarjarayaa, waxaa markiiba dhegahayga ku dhibcay “Guddoomiye xaggee joogtaa?” waxaan ka shakiyey hadalkiisa dareenka leh. Horay Guddiga Hirshabeelle wuxuu ahaa guddi kala qaybsan gartooduna marar badan ayey ii timid oon isku dayey in aan si hoose u xalliyo. Markii muran xallismo haddana mar kale ayuu dib u oogmayey, markastana waa kala cabanayeen oo khilaaf siyaasiyiinta maamulka Hirshabeelle dhex dhigeen ayaa walaaqayey, waxaan u qaatay in khilaafyadii qayb ka mid ah oo sii cuslaaday uu ii soo wacay.” 

Hadalkii ayaan u dejiyey ninkii telefoonka ku jiray, waana wareystay. Wuxuu igu yiri “Ninyow Fahad ayaa magalada yimid galabta, kursiga 086 ayuuna u tartamayaa, laakiin ninkii Guudlaawe ahaa hawl kale oo shirqool ah ayuu wadaa. Marka ay codaynta tartanka bilaabato waxaa la qorsheeyey in xabbad ka dhacdo hoolka, sidaasna laga kala cararo, laba ujeedo ayaana laga leeyahay; tan ugu muhimsan in meesha lagu khaarijiyo, haddii taas ay dhici weydana tan xigtaa waa in tartanka kursigaas loo helo qiil culus oo lagu laalo doorashadiisa, hawshaasna waa degdeg ee wixii aad igala gaban karto igala qabo. Waxaan waydiiyey warka sidee ku heshay? Jawaabtiisii waxay noqotay “nin ka mida askarta amarka hawsha la siiyey oon qaraabo hoose nahay ayaa isoo gaarsiyey.” 

Maan beensan oo wixii taxadar amniga ah markasta in aad u qaadato mid run ah ayaan dareensanahay. Waxaan ku iri hawsha ha yareysan. Waan aamusay ilbiriqsiyo, waxaan weydiiyey hawsha xubnaha kale ee Guddiga sidaas ma u og yihiin?” Maya, maya. Cid kale ma u sheegtay oo wax ma iska dhahdeen? Maya, maya ayuu yiri, waxaan u soo jeediyey talo ah in siduu warkaan ugu sheegi karo dadka ay qusayso, gaar ahaan saraakiisha amniga doorashada uu degdeg u gaarsiiyo. Waxaa kale oo u sheegay in uu Fahad laftigiisa arrinta u sheego. Wuxuu i weydiistay telefoono xubno gaar ah, lambaradii waa u diray. fariintaan uu i sheegay waxay i ilowsiisay in aan su’alihisii ka jawaabo iyo eed markuu fariinta ii sheegay ka dhalatay oo maskaxdayda ku dhex waregaysay, taasoo ahayd in wax aan ka soo dhex baxay uu iga daba keenay. Fahad Yaasiin ayaan wacay oo arrinta iyo sida xogta igu soo gartay ku war geliye. Waxaan kale oo u sheegay in xubinta guddiga ee xogta isoo gaarsiiyey uu degdeg ula xiriiro. 

Saxibkay Axmed ayaan ku soo noqday annigoo beddelan, wuu dareemay in telefoonka hawl cusub la iiga soo sheegay. Guddoomiye ma dhib ayaa jirta ayuu i weydiiyey, anigoo dhuunta candhuuf mari la’a ku khasbaya, doobta hungurigaygana kor iyo hoos ay u kala ordayso laga dareemayo in wax dhuuntayda mari la’ ligayo, ayaan u sheegay in ay tahay wax ku saabsan doorashadii. Inkastoo aan run u sheegay haddana xogta uma faahfaahin, wuxuu dareemay in wax aan ka qarinayo a jiraan. Iguma uusan soo celin war kale. Taariikhdii uu sharaxayey wuu joojiyey markuu arkay in dhiifoonaantii aan wax ku dhegeysanayey iga luntay. Cabaar ayaan aamusay, anoo is weydiinaya jawaabta ninkii aan siiyay in ay ku filan tahay wax ka qabashada arrinta iyo in kale. Boqolaal jawaabood ayaa hal mar maskadayda soo buuxiyey. Ninkii isoo wacay ayaan ku celiyey telefoonkii. Wuxuu ii sheegay in uu Fahad gaarsilyey warkii, madaxii amniga doorashada uu la hadlay. 

Si hagaagsan ayaad yeeshay ayaan ku iri, anna in culays ay keentay fariintiisii degdegga ahayd iga degtay ayaan dareemay. Habeenkii ayaan markale is wacnay wuxuuna ii sheegay in uu u tegey Fahad oo ka mid ah murashaxiinta, uuna u sharaxay dhibka jiray, isagoo la joogana uu telefoon u diray Guudlaawe, uuna kala hadlay bedgabka goobta iyo naftiisa, la islana gartay hawshii amniga goobta doorashada waxweyn laga qabtay, wuxuuse ii raaciyey hadal kaloo la yaablahaa. 

Markii Fahad aan u tegey talaabadii koowaad ee uu qaaday waxay noqotay; toos ayuu u wacay Guudlaawe, wuxuu furay sameecadda taleefoonka oo wuxuu ku yiri, “Mudane Madaxweyne, barito amniga goobta doorashada waxan filayaa inaad xil wayn iska saartay, ood hubisay wax kasta, waayo aniga adigaan isku kaa halaynayaa.” 

Sidii qof hurdo ka salalay ayuu Guudlaawe yiri, “maxaa tiri? yaah, iigu soo celi hadalka.” Kolkasuu intuu ugu celiyay farriinii ugu soo daray hadalkii, “Mudane Madaxweyne maadaama goobta hay’ado kala duwan oo ciidamada ah awood u leeyihiin in ay soo galan, anigana aad ogtahay inaan cadow badan leeyahay, waxaan ku sheegayaa inaan go’aansaday inaan kasoo tago dhammaan askarta iyo ciidanka ila socday xitaa ilaalada gaarka ah, goobta doorashadana aan soo gelayo anigoo kaligay ah. Sidaas darteed, amnigayga iyo amniga goobta adiga ayaan kugu halaynayaa, ee u xilsaar sarkaal aad ku kalsoontahay, iina soo dir magaciisa iyo telkiisa si aan ula soo xiriiro.”

Guudlaawe hadalkii ayuu ku mergeday, “haa, maya. Een een. Fiiri Eeboow, runtaa waaye cadow badan aa leedahay, walaahi wareer waaye, waxaan maxaa waaye, waayahay Eeboow, aan kugu soo laabto, ama fiiri, maan si kale u dhigno,” intaas buu halmar iska soo daba tuuray, wuxuu ku sii hadlay, “maad adigaba la wareegtid amnigaaga, oo aan kuu amro sidaas, oo hoolka iyo goobtaba u dhiibno ciidankaaga. 

Intuu Fahad ilka cadays qosol aan cod lahayn ah sameeyey ayuu ku yiri, “waa talo fiican, waadna ku mahadsantahay, sidaas baan yeelayaa ee ciidanka iyo gudiga iigu amar.”

Labaatan daqiiqo kaddib ayuu Guudlaawe soo wacay Guddigii oo isla fariintii noo sheegay, waxaana la wareegay goobtii doorashada taliyihii amniga gaarka ah ee Fahad. Hadalkii ayaa xubintaan Guddiga ah la sii dheeraaday, warar kale oo aad u cuslaa oo qalbigaygu qaadan waayey siday u suuro gal u tahay ayuu ii sheegay, wuxuuna igu soo xiray, “Cirrow Fahad haddii kursiga loo doorto ma filayo in uu isbaaro la’aan nogon doono oo Guudlaawe cadaadis daran oo wadamo shisheeye iyo meelo kala duwan uga imaanaya ayaa jira, annagu kursigaan sidii kuraasta klae doorshadooda u dhacayso ayuun baanu u qabannaynaa.” Aniguu igu cedeyey in wakhti aad u xasaasi ah aan ka tegey hawshii, ereyadiisana uma arkayn in ay muhiim ii yihiin. Alle ha idin guuleeyo, hana idin nabad yeelo ayaan ugu duceeyey, markaasaan u sheegay in aan wadanka ka maganahay. 

Kursigan doorashadiisii waxa la gabtay Febaraayo 20keedii, 2022, waxaana ku soo baxay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir. Guddiyadii doorashadu waa wada joogeen, si furan oo tartan ah ayaana ay u dhacday doorashadiisu, cidina cabasho kama keenin. Fahad wuxuu ku qabay kalsooni iyo isku halayn buuxda, laakiin qandaraaska ugu weyn ee in la xanibo kursigaas waxaa lahaa Guudlaawe oo qorshaha la dejiyey Rooble. Inuusan xildhibaan noqon, waxaa maal gelin dhaqaale ku bixiyey ilaa saddex dowladood oo khatar weyn ka arkayey Fahad haddii uu noqdo xildhibaan wuxuu uga sii gudbayaa Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka, taasoo sahli karta dib u doorashada Farmaajo, sababta kursigan loo xanibayna intaas ayey ahayd. 

Subaxii xigtay Raysalwasaare Rooble wuxuu bogga Guddiga ku qoray in kursiga 086 doorashadiisa la hakiyey. Hadda go’aamada Guddiga waxaa laga garaa xafiiska Raysalwasaaraha oo koox ayuu u samaystay, oo Guddoomiyiii Guddiga ee cusbaa wuxuu ku khasbayaa in amarrada kooxda xafiiska Raysalwasaaraha ka soo baxa yihiin kuwa rasmiga ah ee guddiga! Raysalwasare Rooble ayaa amar dul dhigay Guddigii, wuxuuna ugu gooddiyey in uu kala dirayo guddiga haddii ay aqoonsadaan doorashada kursiga, waa intii uu anigaba iigu goodiyey doorashadii  Xildhibaan Yaasiin Farey. Muddo ayaa muranka kursigani warbaahinta haystay. Makamadda Sare ayaa dacwadiisa dhegeysatay 19 Abril 2022. Dadku indhahay u taagayeen go’aanka dacwadda. Cidda haysata kursiga waa koox siyaasad ahaan u hor taagan oo kaashanaya shisheeye. Waxaa tariikh xumo ka qaaday koox si xishood la’aan ah u qaadatay laaluush iyo musuq oo ah Guudlaawe iyo Raywaslwasaare Rooble oo hor istagtay natijada, mana ka jawaabi karaan sababta.

Bulshadu waxay eedeysaa Gudoomiyihii Guddiga Doorashada, isaga mar horaa la qaatay awoodiisa oo cabsi gelin lagu sameeyey, wuxuuna ahaa nin mar hore iibsaday qofnimadiisii.

Makamadda Sare way degeysatay kiiskii. Halkii go’aan laga sugayey waxay soo saartay warqad ay ku sheegayso in aysan xaq u lahayn in ay dhegeysato kiis ku saabsan doorashada. In aan loo dacwoon ayaaba ka qummanayd oo kiiska cidda haysatay ayaa go’aankani u sii xalaaleeyey.

Qoraalkan oo dhammeystiran waxaa laga heli karaa Buugga Garsoore Garoon aan Sharci Ka jirin ee uu qoray Maxamed Xasan Cirro, bogaggiisa 88 ilaa 94.



Source link