K/Galbeed oo ka hor timid qorshada DF ee dalka saarayo ciidanka Itoobiya

Posted on




Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka soo horjeesatay hadal uu dhawaan warbaahinta siiyay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin oo ahaa in ciidamadda Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadkan 2024.

Qoraal lagu daabacay bogga Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ku leedahay barta X ee Twitterka horrey loogu yaqiin ayaa lagu sheegay in ciidamada Itoobiya ay shaqo muhiim ah ka hayaan dalka.

“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka”

Qoraalka ayaa sidoo kale ku tilmaamay hadalka la taliyaha amniga Qaranka Xuseen Macalin kuwo marin habaabin ah.

“Koonfur Galbeed waxay ka warqabta in shaqsiyaad marin habaabin wada ay isticmaalayaan maalmahan baraha bulshada sida Xusen Macalin” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan degaanada Koonfur galbeed ayaa waxaa ka howlgala boqolaal askari oo qeyb ka ah howlgalka ciidanka ATMIS ee Somalia.




Source link