Jubbaland oo toogasho ku fulisay raggii dilay Sheekh Cumar iyo Ugaas Geedi

Posted on

Kismaayo (Wararka Maanta) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee deegaanada Jubbaland ayaa saakay dil toogasho ah ku fulisay shan nin oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Raggan ayaa horay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland uga gaystay dilal kala duwan, waxayna kooxda u qaabilsanaayeen dilalka qorsheysan ee madax-jebinta ah.

Dadka ay horay u dileen ragga maanta la toogtay ayaa waxaa kamid ahaa Sheekh Cumar Maxamed Daahir, Sheekh Cabdullaahi Dalab iyo Ugaas Aadan Maxamed Geedi oo caan ka ahaa magalaada Kismaayo.

Sidoo kale waxay raggaan qaraxyo iyo dilal kale oo deegaanada maamulka Jubbaland ay ka geysteen ayey maxkamaddu ku heshay 5-taas nin, waxaana ugu dambeyntii maanta lagu fuliyey qisaasta dadkii ay dileen.

Horay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay xubno Shabaab ah diall geystay, kuwaasi oo inta badan kooxda u qaabilsanaa waxa ay ugu yeerto “madax-jebiska”.

Sidoo kale waxay imaaneysa xilli ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay muddooyinkii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira dad dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.



Source link