Jubbaland oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaalka LUUQ (Sawirro)

Posted on

Luuq (Wararka Maanta) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo la xiriirta dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Luuq, halkaas oo uu ka qarxay dagaal u dhexeeyo laba beelood.

Jubbaland ayaa maanta wafdi culus u dirtay degmada Luuq, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee maamulkaasi Mudane Maxamuud Sayid Aadan, kaas oo maanta ka dagay degmada Luuq oo ah halka uu dhiigga badan ku daatay.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa safarkan ku wehlinayo n wasiiro iyo Xildhibano, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay maamulka degmada Luuq.

Ujeedka socdaalkooda ayaa ah nabadaynta beelaha ku dagaalamay halkaasi oo weli is horfadhiyo, kadib dad badan oo ay iska dileen.

Inta ay mas’uuliyiinyan joogaa Luuq waxa ay la kulmi doonaan maamulka iyo qaybaha kala duwana ee bulshada si xal loogu helo sababtii keentay dagaalka ka qarxay halkaasi.

Xaaladda ayaa maanta iyo shalay deggan markii loo fiiriyo maalmihii ka horreeyay oo dagaallo lagu hoobtay ay labada dhinac ku dhex mareen halkaasi.

Dagaalka ayaa waxa uu markii hore ka bilowday muran soo kala dhex-galay laba askari oo mid kamid ah isla goobta lagu dilay, waxaana kadib ay arrintu ay isku bedashay laba qabiil.

Sidoo kale waxaa ka horreeyay gacan ka hadalkaas muran dhinac dhulka ah oo u dhexeeyay labada beelood oo kasoo kala jeeda Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Si kastaba, colaadan ayaa uga sii dartay xiisadaha haatana ka taagan gobollo badan oo kamid ah dalka oo ay ka qarxeen dagaallo sokeeye, xilli u socdo dagaalka Al-Shabaab.



Source link