Kismaayo (Wararka Maanta) – Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in ciidanka xoogga dalka ay kaso baxaan furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Jubbada Hoose.
Jubbaland ayaa war-saxaafadeedkaan ku sheegtay in dowladda federaalka ay siyaasadaysay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.
Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadii ka soo baxay furimaha dagaalka ee xoogga dalka ay gudaha u soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo.
“Dagaaladii dhacay 6-dii bishaan iyo maanta oo ah 9-ka November waxaa kali ku ahaa ciidamada Jubbaland oo kaligood jilibka u aastay Khawaarijta, khasaarihii ka dhashay dagaaladaas waxay ku gaar noqdeen ciidamada Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladda federaalka ay waayahaan damacsanaayeen qorshaha ay uga soo baxeen furimaha dagaalka, isla markaana ay Jubbaland sameysay isku day kasta, si loogu qanciyo inay furimaha ku laabtaan oo dalka difaacaan.
“Waxaa lacago lagu bixinayaa in ciidamadaasi ay ka soo baxaan furimaha dagaalka, iyadoo lasoo geliyey magaalooyinka waaweyn oo Kismaayo ku jirto, iyadoo laga leeyahay dano gaar ah oo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland.
Sidoo kale Jubbaland ayaa dusha ka saartay wixii cawaaqib xumo ah oo ka dhasha hadii uu fashilmo dagaalka Khawaarijta oo ay ugu horeyso inuu faraha ka baxo amniga magaalada Kismaayo.
“Dadka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waxaan ogeysiineynaa in talaabooyinkii ugu dambeeyey ee DF ay furimaha uga soo saartay ciidamada ka jooga Jubbaland, iyadoo adeegsaneysa awood dhaqaale iyo isku dirka beelaha ay ka dhalan karaan barakac iyo dagaala sokeeye oo Jubbaland ka bilowda,” ayaa lagu yiri warkaan.
Hoos ka akhriso