James Swan oo DF u xaqiijiyey inay been yihiin digniinaha qaraxyada ee laga soo saaro Muqdisho

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.

Kulankan ayaa lagu falanqeeyay dhowr qodob oo muhiim ah oo la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray cadeynta digniinaha iyo wargelinta Qaramada Midoobay ee la sheego in ay ka soo saarto amniga dalka, gaar ahaan digniinaha qaraxyada ay sheegaan inay Muqdisho ka dhacayaan.

Isweydaarsiga macluumaadka ku saabsan khataraha ay sababi karaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, qaraxyada iyo halista xeebaha, kadib marxaladda kala guurka ee howlgalka ATMIS.

Kulanka isku-xirka amniga ee FGS-ATMIS-UN-AAIA iyo Warbixin ku saabsan barnaamijka wadajirka ah ee booliska.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa iska fogeeyey in uu soo saaro warbixinno iyo digniino la xiriira amniga Soomaaliya, kuwaas oo muwaadiniinta looga digayo khataro amni in ay ku soo wajahan yihiin goobo la cayimay.

Fariimahaan ayaa lagu arkaa baraha bulshada, balse hadda Qaramada Midoobey ayaa iska fogeysay, inkastoo aan weli la cadeyn cidda soo saarta digniinahaas.

Wasiirka Amniga Cabdullahi Fartaag ayaa sidoo kale uga digay shacabka Soomaaliyeed inay aaminaan farriimaha noocaan ah ee lagu marin habaabinayo bulshada, laguna khal khal gelinayo amniga dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Wasiir Fartaag ayaa hoosta ka xariiqay in amniga dalka uu yahay mid xasaasi ah, loona baahan yahay in dhammaan dhinacyada ay si taxaddar leh uga shaqeeyaan.



Source link