JABUUTI oo keentay qorshe xal u ah khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya

Posted on

Jabuuti (Wararka Maanta) – Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa mar kale war cusub kasoo saartay xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan u dhexeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo gaartay meeshii ugu xumeyd.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Mudane Maxamed Cali Yuusuf ayaa BBC-da u sheegay in dalkiisa uu hayo qorshe xal u ah khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiska badda ee horaantii sanadkan dhex-maray madaxweynaha Somaliland iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Maxamed Cali Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay diyaar u tahay in Itoobiya ay siiso marin biyood iyo sidoo kale deked, si xiisadda loo soo afkaro.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dekeddaas ay noqon doono dekedda magaalada Tadjoura oo 100 KM u jirta xuduudka Itoobiya, isla markaana leh waddo horay loo dhisay.

“Markaa marin-u-helidda badda ee Itoobiya dhib kuma ahaan doono” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in hindisahan uu madaxweyne Geelle uu la wadaagi doono Madaxweynaha Xasan Maxamuud  iyo Ra’iisul wasaare biy Axmed inta uu socdo shir-madaxeedka Shiinaha iyo Afrika ee Beijing ka furmaya 4-ta bisha September ee sanadkan.

Hadalkan kasoo yeeray Jauuti ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli halkeedii tahay xiisadda Addis Ababa iyo Muqdisho, waxaana fashil kusoo dhamaaday labada kulan oo ay labada dhinac ku yeesheen magaalada Ankara, si ay uga wada-hadlaan xiisadda dhexdooda ah.

Si kastaba, Itoobiya ayaa marar badan ku cel-celisay inay lama huraan tahay inay hesho marin biyood iyo deked, lamana oga sida ay arrintan wax uga beddali doonto xiisadda taagan iyo heshiiskii uu Abiy la galay Muuse Biixi, kaas oo dhaliyay carada Soomaaliya.



Source link