Jabuuti iyo Faransiiska oo kala saxiixday heshiis militeri oo xasaasi ah

Posted on

Jabuuti (Wararka Maanta) –Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku heshiiyey in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal, kadib wadahadallo laba sano socday.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Faransiiska, waxay saxiixeen heshiis ku saabsan dib u habeynta heshiiska difaaca oo ay ku mideysan yihiin Faransiiska iyo Jabuuti.

Heshiiskan oo lagu saxiixay madaxtooyada Fransiiska ayaa ah mid quseeya qaabkii loo maareyn lahaa 1,500 oo askari oo Faransiis ah oo fadhigoodu yahay dalka yar ku yaalla bariga Afrika.

Heshiiskan ma aha mid cusub ee waa heshiis ay labada dowladood dhowr mar oo hore dib u soo cusbooneysiiyay.

Heshiiska difaaca ayaa markii ugu horreysay la saxiixay 1977-kii markaasoo Jabuuti ay xorriyadda ka qaadatay Faransiiska , waxaana dib loo cusbooneysiiyay 2011-kii.

Dalku waxa uu ku yaalaa meel ka soo u dhaw dalka Yemen, una dhow badda cas, halkaas oo qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah ee Aasiya iyo Galbeedka uu mara.

Ciidamada Faransiiska ayaa dhawaan xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Mali iyo Niger ka dib afgambiyo militari oo ka dhacay labada dal, laakiin marnaba ma dhicin su’aal ah inay ka tanaasulaan Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee Faransiiska ee dibadda.

Heshiiskan iskaashiga militari ee Jabuuti iyo Faransiiska ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay dalalka Soomaliya iyo Turkiga ay ka saxiixdeen heshiis iskaashi militari ah.

Dalka Jabuuti oo ah dal yar oo xasilooni ay ka jirto Islamarkana ku yaalla gobol ay daganaashiyo la’aan ka jiro ayaa waxaa saldhigyo militari ku leh dalal kala duwan.

Jabuuti waxa ay martigelisaa saldhigga milatari ee ugu weyn ee Maraykanku ku leeyahay Afrika, Camp Lemonnier, kaas oo ay ku nool yihiin in ka badan 4,000 oo shaqaale ah oo badankood ay askar yihiin.



Source link