Itoobiya oo war culus kasoo saartay hubkii lagu boobay Caabudwaaq

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horreysay ka hadashay hubkii sharci darrada ahaa ee dhowaan lasoo geliyay gudaha dalka, isla markaana lagu bililiqeystay gudaha degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Afhayeen lagu magacaabo Nebiyu Tedla ayaa tilmaamay  in hubkaasi aanu wax xiriir la laheyn Itoobiya, isagoo meesha ka saaray eeda loo jeediyay dowladdiisa.

Afhayeenka oo la hadlay warbaahinta ayaa xusay in wax shaqo ah aysan ku lahayn arrimaha gudaha ee Soomaaliya, balse ay tahay mas’uuliyad saaran dowladda Soomaaliya oo leh awoodda maamulka hubka, maareyntiisa iyo bixintiisaba.

Nebiyu Tedla ayaa ka gaabsaday mar wax laga waydiiyay in hubkan ay iyagu ka iibiyeen ganacsato ama koox kale, sida horay loogu eedeeyay balse kama jawaabin.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda Soomaaliya oo warbixin diblumaasiyadeed uga hadashay arrinta hubkan ku eedeysay inay gudaha dalka soo gelisay Itoobiya oo xilligan ay kala dhexeyso xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee uu Abiy Axmed la galay Somaliland.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeysaa dowlada Itoobiya in ay ka waantoowdo faragelinta ay ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay kamid tahay tababarida iyo qalabeynta maleeshiyaad beeleedyada soo gelinta hubka sharci darrada ah” ayay dowladda federaalka ku tiri warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Xog bixin diblumaasiyadeed” taas oo ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Tani waxay dhiirogelineysaa isku dhacyada beelaha iyo abuurista xasillooni darro ku baahda gobolka iyo soo nooleynta argagaxisadasii liiceysa”.

Si kastaba, hubka sharci darrada ah ee lasoo geliyay dalka ayaa dhaliyay walaac xoogan oo gudaha iyo heer caalami ah, maadaama uu u gacan galay shacabka degmada Caabudwaaq.



Source link