Itoobiya oo walaac xooggan ka muujisay go’aanka DF ee…

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya Danjire Nebiyu Tedla ayaa sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo in ay hesho marin badeed la isku halleyn karo.

Waxa uu soo hadal qaaday wada-hadalladii u dambeeyay ee Itoobiya iyo Soomaaliya ku dhex-maray magaalada Ankara, isagoo sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa isku afgarteen in wejigii saddexaad ee wadahadalka la qabto.

Afhayeenka ayaa sidoo kale ka hadlay howlgalka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in Itoobiya ay si dhaw ula socoto xaaladda Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in dalalka hadda ciidamadooda ay ka mid yihiin ATMIS-ka ay yihiin daneeyayaal muhiim ah oo ay tahay in lagu tixgeliyo, aragtidooda iyo tabashooyinka ay qabaanna ay tahay in la qaato si loo fududeeyo buu yiri in si habsami leh howlgallada loogu wareejiyo howlgalka ATMIS bedelaya.

Waxa kale oo uu muujiyay sida ay Itoobiya u aaminsan tahay in hay’adaha ay khusayso, oo ay ku jiraan Midowga Afrika iyo QM ay tahay in ay hubiyaan sida uu yiri talooyinka lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada ay khusayso oo ay ku jiraan dalalka ku deeqay ciidamada ATMIS.

Sidoo kale in si taxadar leh ciidamo cusub loogu diyaariyo si buu yiri looga fogaado isfaham la’aan aan loo baahnayn iyo xiisad lama filaan ah oo gobolka ka dhacda.

Warkan ka soo baxay Itoobiya ayaa yimid maalmo uun ka dib markii dowladda Soomaaliya ay magaalada Qaahira heshiis dhinaca difaaca ah kula saxiixatay Masar, taasi oo labada madaxweyne ay ku tilmaameen in uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.



Source link