Itoobiya oo soo bandhigtay Gantaallada Balastikada ee M-20 + Qorshaheeda

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Dowladda Itoobiya oo haatan xiisad xoogan ay kala dhexeyso dalalka Soomaaliay iyo Masar ayaa qaaday tallaabo uga sii dari karto xiisadda haatan taagan, taas oo laga cabsi qabo inay dagaal isku rogto.

Maamulka Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa hadda qaaday dhabihii dagaalka, wuxuuna soo badhigay hub culus oo ay ku jiraan Gantaallada Balastikada ee M-20, waxayna tani muujineysaa in Itoobiya ay markan diyaar garowday dagaal toos ah.

Wararka ayaa sheegaya in gantaalladan oo Sawirradooda lagu baahiyay baraha bulshada iyo ciidamo la geyn doono magaalooyin u dhow xadka Soomaaliya, gaar ahaan D.D.S.

Sidoo kale Itoobiya waxa ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay sameysay dhaq-dhaqaaq xoogleh oo ay uga jawaabeyso tallaabooyinka ay qaadaan Soomaaliya iyo Masar oo dhowaan wada gaaray heshiis difaac, sidoo kalena ku ballamay in Masar ay ciidamo usoo dirto gudaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa sii hurin karta xiisadda haatan ka taagan gobolka oo ku dhow in la’is fara saaro, maadaama dhinacyadu uu mid kasta sameynayo dhaq-dhaqaaq iyo abaabul ciidan.

Dhankooda Soomaaliya iyo Masar ayaa go’aan ku gaaray inay si wadajir ah u sameeyaan dhoolatus milatari, xilli ay xiisad xooggan ka taagan tahay gobolka.

Dhoolatuskan ayaa la filayaa in la qabto bishan dhexdeeda, ayada oo ay ka qeyb qaadan doonaan ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee labada dal, sida laga soo xigtay illo dhanka ammaanka oo ku dhow Masar.

“Dhoolatusku wuxuu diri doonaa fariin cad oo ku saabsan sida ay nooga go’an tahay iskaashiga iyo ilaalinta Soomaaliya. Waxay macnaheedu noqon doonaan wax ka badan kaliya dhoolatus dagaal,” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha ammaanka dalka Masar.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa isna u muuqda mid sii kordhin karo xiisadda u dhaxeysa labada dal ee Jaamacadda Carabta iyo Itoobiya, sida ay saraakiisha ammaanku sheegeen.



Source link