Itoobiya oo sheegtay inay daawade ka noqonayn arrimaha socda xilli Somalia…

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Dowladda Itoobiya ayaa si adag uga hadashay xaaladda ammaanka ee gobolka Geeska Afrika iyo weliba walaaca ay ka qabto xilliga kala guurka ee ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya ee ATMIS, kuwaas oo lagu bedelayo hawlgal cusub.

Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin halista ka iman karta hannaanka ay haatan wax u socdaan, taasi oo ay sheegeen inay khatar amni ku keeni karto gobolka.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sheegtay “in baaqyo kala duwan oo ka soo baxay Itoobiya iyo dalalka ku deeqay ciidamada, inaan si dhab ah loo qaadanin.”

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay “in aanay Itoobiya daawade ka noqonaynin, xilli ay dhinacyada kale ku hawlan yihiin inay qaadaan tallaabooyin ay xasilooni darro kaga abuuryaaan gobolka.”

Waxay intaas kusii dareen, inay si dhow ula soconayaan isbedellada ka socda gobolka ee taabanaya danohooda qaranka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowladda Masar ay Soomaaliya u fidisay kaalmo milateri, taas oo noqonaysa, kaalmadii ugu horraysay ee nooceeda ah ee ay Soomaaliya siiyaan muddo afartan sannadood ka badan.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa isku maandhaafsan heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland ee ku aaddanaa in Itoobiya laga kireeyo marin biyood, sidoo kalena Masar iyo Itoobiya ayuu ka dhaxeeya loollan xooggan oo ku aaddan ka faa’iidaysiga biyaha webiga Niilka.



Source link