ITOOBIYA oo saartay digniin culus oo ku socota Soomaaliya + Sababta

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay arrimo ku aadan howlgalka cusub ee la qorsheynayo in Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bilaabo sanadka soo socda ee 2025.

Afhayeenka wasaaraddda arrimaha dibadda Itoobiya oo shir jaraa’id ku qabtay Addis Ababa ayaa soo saaray digniin culus oo la xiriira howlgalkaas, wuxuuna jeediyay in laga fiirsado waddamada kuu biirayo oo ay kamid tahay Masar oo ay haatan is hayaan Itoobiya.

“Soomaaliya dowladdeeda ayaa go’aanka iska leh cidda ay doonto inay la gasho heshiis dhinaca amniga ah sababtoo ah waxay horay heshiis amni ula gashay dowlado kale oo ay kamid ah yihiin Itoobiya Uganda, Kenya iyo Imaaraadka Carabta” ayuu yiri.

Afhayeenku wuxuu hoosta ka xariiqay inay haboon tahay in si aad ah looga fiisado ciidamada cusub ee lagu biirinayo howlgalkan, si looga digtoonaado colaad horleh ka abuuranta gobolka Geeska Afrika.

“Waxaan soo jeedineynaa oo dowladda Itoobiya ay aamisan tahay in lasoo jeediy talada ah in aad looga fiirsado howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ka bilaabanaya sanadka dambe, dalalka ciidamada ku yaboohaya in aad loo fiirsado” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu ku goodiyay haddii ay dareemaan halis inay si toos ah usoo farogelin doonaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray haddii arkaan qatarka kooxda Al-Shabaab in sidoo kale ciidamadooda ay soo geli doonaan gudaha Soomaaliya, si au difaacaan amniga dalkooda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad xoogan oo u dhexeyso dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiska badda.

Si kastaba, waxaa la filayaa in dhowaan ay dalka ka baxaan ciidamada ATMIS oo ay qab ka yihiin kuwa Itoobiya, waxaan marka la gaaro bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya la wareego howlgal cusub oo mar kale hoostagi doono Midowga Afrika



Source link