New York (Wararka Maanta) – Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dab kusii shiday xiisadda diblumaasiyadeed ee haatan kala dhexeyso Soomaaliya.
Taye Atske-Selassie ayaa ka dhawaajiyay hadallo kul-kulul oo ka dhan ah Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in dhammaan sheegashada Soomaaliya iyo eedeymaha ay u jeedineyso xukuumadda Addis Ababa ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka inay iska ilowdo heshiiska badda ee ay galeen Itoobiya iyo Somaliland, taas beddalkeedna ay xoogga saarto arrimaheeda gudaha.
Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa heshiiska badda ku macneeyay inuu ku saleysan yahay hannaan looga gol leeyahay in lagu hormariyo kobaca gobolka, sida uu ku dooday.
“Sidaas darteed, waxaan diiday eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn ee dalkayga loo jeediyay. Magaca Itoobiya marna lama xiriirin karo eedeymahan midkood.” ayuu yiri Taye.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay isku dayayso in ay daboosho xiisadaha ka jira gudaheeda iyada oo hurineysa colaad, sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa ahaa mid ay Itoobiya uga jawaabeysay khudbad uu ra’iisul wasaare Xamza isna ka jeediyay shirka QM, taas oo uu ku dhaleeciyay maamulka Abiy Axmed.
Si kastaba, xiisadda labada dowladood ayaa u muuqato mid kasii dareysa, maadaama ay weli Itoobiya ku adkeneyso heshiiska badda ee ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo ay si weyn uga hortimid dowladda dhexe oo go’aan adag ka qaadatay heshiiskaasi.