Itoobiya oo qaaday talaabo cusub oo lagu fulinayo heshiiskii badda ee Somaliland

Posted on




Wasiirka Gaadiidka iyo saadka ee Itoobiya Alemu Sime ayaa maanta baarlamaanka dalkaas horgeeyay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland ee ku saabsan badda.

Alemu Sime oo ah Wasiirka gaadiidka Itoobiya ayaa baarlamaanka u sheegay in heshiiska is-afgaradka ah ee ay la galeen Itoobiya uu yahay mid dhab ah oo ka caawinayo helitaanka marin-badeedka ay muddada badan baadi goobayeen .

Waxaa uu xusay in fulinta heshiiskan uu isbeddel wayn u keenayo Itoobiya, isla markaana uu aasaas u noqonayo iskaashi cusub oo dhexmara Itoobiya iyo Somaliland

“Heshiiskani wuxuu ku saleysan yahay rabitaanka Itoobiya ee helitaanka marin badeed, taasoo keenaysa isbeddel aas-aasi ah waxqabadka saadka iyo iskaashi cusub,” ayuu yiri wasiirka oo baarlamanka dalkaas ka codsaday iney meel mariyaan.

Itoobiya ayaa horey u sheegtay inaysan marnaba ka tanaasuli doonin damaceeda badda cas, ayna ka go’an tahay sidii ay ku heli lahayd bad ay adeegsato oo ku xirta dunida inteeda kale.




Source link