Itoobiya oo gudaha Soomaaliya ka wada labo arrin oo halis ah iyo xubno kala shaqeynaya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda Itoobiya ayaa dejisay qorshayaal culus oo ka dhan ah Soomaaliya, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed intooda badan aysan faham ka heysan, halka qaar ay siyaasiyiin ku jiraan oo Soomaali ah ay Itoobiyaanka ka caawinayaan hirgelinta qorshahaas.

Xildhibaano ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo ku jira Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laf-dhabar u ah labo u jeedo oo Itoobiya ay ku niyad jebineyso Soomaalida, caalamkana ugu sheegeyso in Soomaaliya laga rabo ciidankooda, dowlada federaalkana ay ku egtahay oo ka taliso Muqdisho kaliya oo gobollada aysan maamulin.

Sidoo kale Itoobiya ayaa dooneysa inay gudaha Soomaaliya ka abuurto xiisado qabiil, si gaar ah waxaa hadda socda qorshe la isaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo Raxanweyn, masuuliyiin reer Koonfur Galbeed ah ayey xogtaan sheegeysaa inay Itoobiyaanka la fulinayaan qorshahaan.

Labada qorshe ee Itoobiya ay wado mid waa u hirgalay oo waxay abaabushay shacabka qaar kamid ah degmooyinka Koonfur Galbeed, waxayna direen farriin ay caalamka ugu sheegayaan inay rabaan Itoobiyaanka, taasi oo dhabarjab ku ah qorshaha dowladda Soomaaliya oo dooneysa inay dalka ka saarto ciidamada Itoobiya dhamaadka sanadkaan.

Qorshaha labaad waa in la isku diro beelaha Hawiye iyo Digil iyo Mirifle, maalmo ka hor waxaa Muqdisho shir jaraa’id ku qabtay xildhibaano badan oo ka soo jeeda K/Galbeed, kuwaas oo sheegay inay la dareen yihiin shacabka ay metelaan, balse waxaa u jawaabay xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda beelaha Hawiye.

Hadalkii xildhibaanada waxaa ka dhashay buuqii ay rabtay Itoobiya, waxayna reer Koonfur Galbeed arrinta u bedeleen mid qabiil, waxay sheegeen in Hawiye ka xigsanayo dowladnimada Soomaaliya, taasna aysan aqbali karin.

Wararka Maanta waxay heysaa xog sheegeysa in xildhibaanada taageerada u muujiyey Itoobiya ee Muqdisho jooga ay doonayaan inay Baydhaba aadaan oo sheegaan inay la baxsadeen naftooda, isla markaana ay beegsanayaan beelaha Hawiye, waxayna Itoobiyaanka ka dalba doonaan inay difaacaan, hadii qorshahaan aan si kale looga hortegin.

Muqdisho waxaa ka socda dhaqdhaqaaq aan muuqan oo ka dhan ah xildhibaanadaas oo ku dhacay kiis lagu tilmaamay ‘qiyaano qaran’ balse hadii ay dareemaan in la beegsanayo waxaa suurtagal ah inay Baydhaba aadaan oo Itoobiyaanka la saftaan, isla markaana reer Koonfur Galbeed ay xiriirka u jaraan dowladda dhexe ee Soomaaliya, difaacna ka dalbadaan Itoobiyaanka oo soo abaabulay qorshahaan halista ah.

Dhanka kale, Itoobiya waxay wadaa qorshe ay ku abaabuleyso shacabka reer Gedo, si lamid ah reer Xudur ayey doonayaan inay ka soo dhex hadlaan oo halkaas ay ka dhacaan banaanbaxyo lagu dalbanayo in dalka aan laga saarin ciidamada Itoobiya.

Odayaasha dhaqanka reer Gedo ayaa qorshahaan horay uga diiday ciidmaada Itoobiya ee Gedo jooga, waxayna u cadeeyeen in aysan dooneyn inay galaan arrimaha ku saabsan joogitaankooda Soomaaliya, balse waxay bilaabeen siminaaro 3 bilood socday oo dadka ay uga dhaadhicinayaan qorshahooda.

Sida ay ogaatay Wararka Maanta qorshaha Itoobiyaanka waa in maalmaha soo socda uu banaanbax lamid ah kii Xudur ka dhaco Garbahaarey iyo magaalooyinka kale ee gobolka Gedo ee ciidamada Itoobiya ay joogaan, balse lama oga sida ay ku suutageli doonto.

 



Source link