ITOOBIYA oo eedeyn yaabeh u jeedisay madaxda Soomaaliya

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Field Marshal Birhanu oo haatan ku sugan magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Field Marshal Birhanu oo khdubad ka jeediyay munaasabadda dabbaaldegga sannad-guurada 47-aad ee taliska bariga Itoobiya ayaa si weyn u dhaleeceeyay madaxda Soomaaliya, wuxuuna ku eedeeyay inay la shaqeeyaan cadowga Itoobiya oo uu kala jeedo Masar.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday inay ka go’an tahay inay difaacaan madax-banaanidooda, haddii tallaabo loo soo qaado dhankooda, sida uu ku goodiyay

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamadu ay diyaar-garoobeen inay ka hortagaan wax kasta oo khalkhal gelinaya ammaanka, isla markaana ay difaacayaan dalkooda.

Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Itoobiya ayaa sidoo kale ka digay wax uu ugu yeeray cadowga Itoobiya oo carqaladeynaya horumarkooda  iyagoo kaashanaya calooshood u shaqeystayaal iyo khaa’inul waddan gudaha ah.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo weli halkeedkii ay tahay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, waxana haatan kusoo biirtay Masar oo iskaashi cusub la yeelatay dowladda federaalka, taas oo ay ka carootay dowladda Itoobiya.

Si kasataba, Soomaaliya ayaa Masar la saxiixatay heshiis milateri oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha dalka kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda.

Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar.



Source link