Itoobiya iyadaa cuneysa oo cabaadeysa

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) –  Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag ugu jawaabay ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo dhowaan ka hadlay xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya ee ka dhalatay heshiiska uu la galay Somaliland.

Abiy Axmed ayaa markale ku celiyay muhiimada ay Itoobiyaanka u leedahay helitaanka bad, isaggoo xusay in xitaa Soomaaliya ay badda kaga beddelan karto wax soo saarkooda khudaarta.

“in qarashka dowladda Soomaaliya uga baxaya safarka dibadda uu ku wanaagsan yahay dhismaha iskuul ku fadhiya 1KM oo Muqdisho laga dhiso oo ay ka faa’iideystaan shacabka waxaad imaan kartaan Addis Ababa, diyaar ayaa u nahay in aan idinla hadalno, mana rabno in Soomaaliya burburto ama kala qeybsanto,” ayuu horay u yiri ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka jawaabay hadalkaas ayaa sheegay in waxa wareegaya caalamka ay tahay Itoobiya oo khaladka gashay, wuxuuna ku eedeeyay inay jebisay darisnimadii iyo xeerarka caalamiga ah ee looga dhaqmo adduunka.

“Dowladda Itoobiya iyadaa caalamka wareegeysa iyada oo ka carareysaa qaladkii ay shalay gashay ee diblumaasiyadeed iyo kii xeerarka caalamiga ahaa ee dunida ilbaxa ah ay ku dhaqanto maanta” ayuu ku jawaabay madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Itoobiya aanay weligeed Soomaaliya ugu imaanin darisnimo iyo wanaag, isla markaana ay weli diidan tahay waddada saxda ah.

“Shalay iyada ayaa jebisay darisnimadii iyo ku dhaqanka xeerarka caalamiga ah, maantana iyada ayaa weli diidan inaan u noqono waddada saxda ah. Itoobiya weligeed inta darisnimo noogu timaaday nagalama hadlin arrimaha maanta taagan nasiib darro iyadaa wareegeyso oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya” ayuu kusii daray madaxweynuhu.

Sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya ma’aha midda xadgudubtay ama diidan heshiis, xaalka Itoobiya waa hasha iyadaa cuneyso oo cabaadeyso., Soomaaliya waxay diyaar u tahay nabad iyo heshiis”.

Madaxweynaha oo soo hadal qaaday wada-hadalladii ka dhacay dalka Turkiga ayaa sheegay in ay ku yimaadeen dalab ka yimid Itoobiya, isla markaana ay isla iyada fashilisay, isaga oo sheegay inay diiday inay ka laabato mowqifkeeda ku aadan heshiiska badda.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u diyaar u tahay heshiis, nabad iyo darisnimo, si loogu wada noolaado xasilooni waarta.



Source link