Israel oo duqeysay iskuul ay ku barakaceen shacabka Gaza + Khasaaraha

Posted on

Gaza (Wararka Maanta) – Ciidamada Isra’il ayaa Jimcihi shalay sii waday duqeymaha cirka ah ee ay ka wadaan Marinka Gaza, iyada oo dhanka kalana ay rabshado khasaaro sababay wali ka socdaan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto ee Falastin.

Wakaaladda wararka maamulka Falastiin ee loo soo gaabsho WAFA ayaa aroornimadi hore ee Sabtida maanta ah ku warrantay, in ugu yaraan 13 qof lagu dilay 15 kalana ku dhaawacmeen, duqeyn cirka ah oo ay xalay ciidanka Isra’il ku bartilmaameedsadeen iskuul ay ku barakaceen qaxootiga Gaza iyo dhismo kale oo ay dad rayid ah daganaayeen oo ku yaalla Gaza.

Wakaaladda WAFA waxay kaloo sheegtay, in ugu yaraan 8 ka mid ah dadka lagu dilay duqeynta loo geystay iskuulka Xalima Sacdiya ee Xerada Jabaaliya, ay ahaayeen qaxooti.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Isra’il ayaa lagu sheegay, in duqeynta Iskuulka Jabaaliya ay aheyd mid loo fuliyay si sugan laguna bartilmaameedsaday argagixisada sida ay hadalka u dhigeen.

Weerar kale oo ay ciidamada Isra’il ku duqeeyeen xerada qaxootiga Nuseeyraat ee bartamaha Gaza ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay ugu yaraan 5 Falastiiniyiin ah.
Dhinaca Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Isra’il ayaa la sheegay in ay dileen haweeneey Mareykan ah oo ka mid aheyd dadka u dhaq-dhaqaaqo xorriyadda Falastin.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka Matthew Miller ayaa xaqiijiyay, dhimashada Ayshenur Ezgi Eygi. Aqalka Cad ayaa sheegay in dilka Ayshenur ay aad uga xunyihiin.

Maruuxmadda ayaa sidoo kale aheyd muwaadin Turkish ah, sida uu xaqiijiyay afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Isha: VOA



Source link