Beirut (Wararka Maanta) – Israa’iil ayaa shalay ilaa xalay duqeymo culus oo cirka ah ku garaacday bartilmaameedyo ku yaalla tuulooyinka beeraha caanka ku ah ee waqooyi-bari ee dalka Lubnan.
Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa ku warrantay in ugu yaraan 52 qof lagu dilay 72 kalana la dhaawacay, kaddib in ka badan 10 gantaal oo ay diyaaradaha dagaalka Isra’il ku garaaceen gobolka bari ee Baclabak-Xirmal.
Ra’iisul wasaaraha Lubnaan ayaa ku eedeeyay Israa’iil Jimcihii inay diiday xabbad-joojin ka dib markii militariga Israa’iil ay markii ugu horreysay toddobaadkan duqeeyeen magaalada Beirut ee koonfurta Beyruut.
Duqeymaha ka dhanka ah Lubnaan ayaa yimid maalin kadib markii Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu la kulmay mas’uuliyiin Mareykan ah, kuwaas oo kala hadlay soo afjaridda dagaalka ay Isra’il ka waddo Lubnan ka hor doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Talaadada.
Ra’iisul Wasaarada Lubnan Najib Mikati ayaa cambaareeyay weerarrada Israel. Kuna eedeeyay Isra’il in aysan dooneyn xabbad-joojin.