“Ismaaciil Haniya markuu arkay calanka Soomaaliya waa noo yimid wajiga ayuu naga dhunkaday”

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirkii hore ee wasaaradda macdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Galmudug Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan) ayaa soo bandhigay qiso cajiib ah oo dhacday mar uu dalka Turkiga kula kulmay Hoggaamiyihii Xarakada Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa shalay Israa’iil ay ku dishay duqeyn ka dhacday dalka Iiraan.

Wuxuu sheegay in maalin iyagoo jooga Ankara lagu casuumay kulan loogu duceynayay shacabka Falastiin oo ay abaabushay dowladda Turkiga, Wasiir Jantalman wuxuu sheegay in kulankaas ay isku arkeen, kuna sheekeysteen isaga iyo hoggaamiye Ismaaciil Haniya.

Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan oo ka sheekeeyey kulankii ay la qaateen Ismaaciil Haniya wuxuu yiri, “Aniga iyo wasiir kuxigeen ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo markaas ku sugneyn Turkiga gaar ahaan Istanbul ayaa naloosoo diray mas’uuliyiintii wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ee madaxweyne Erdogan u wakiishay qaban qaabada kulanka, sidaas ayaana uga qayb galnay.”

Wasiirka oo wareysigaan siiyey BBC ayaa sheegay in dowlad kasta oo islaami ah oo kulankaasi kasoo qayb gashay loo diyaariyay miis gaar ah oo uu suranyahay calanka dalka ay ka socdaan, sidaana ay ku fariisteen halkii loo diyaariyay ee calanka Soomaaliya uu suraa.

“Waxaan fadhinay miiska afaraad, waxaana mar qura albaabka kasoo galay Ismaaciil Haniya iyo madaxweyne ku xigeenka Turkiga, maadaama madaxweyne Erdogan uusan fiidka hore kulanka joogin, kadib Ismaaciil Haniya waxa uu si kedis ah isha ugu dhuftay calanka Soomaaliya, wuxuu soo dhaafay misaskii kale oo dhan, waana uu noo yimid,” ayuu yiri Wasiir hore Cabdulqaadir Jantalmaan.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Madaxdii la socotay Ismaaciil Haniya waa ay fariisteen oo keligiis ayaa noo yimid, laabta ayuu na geliyay, waxaana uu naga dhunkaday sujuudda, waxa uu nagu yiri miyaad i raaci kartaan? Waan raacnay inagoo labo ah, wuxuuna na geeyay halka uu yaallo makaroofanka.”

Intaas kadib wasiirku waxa uu sheegay in Ismaaciil Haniya uu labada gacmood qabtay labadooda wasiir ee ka socday Soomaaliya oo kor u taagay isaga oo yiri, “Caawa waxaa inoo marti ah Sharaftii Muslimiinta”, isaga oo kala jeeda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu yiri “Soomaaliya waa walaalo qalbiga, dhiigga iyo laf ahaantaba inoo ah”.

Sidoo kale Ismaaciil Haniya ayaa yiri “Soomaalidu waa dad aan jecelnahay, waana dadka kaliya ee ku mideysan taageerada Falastiin shacab iyo xukuumadba oo noo bannaan-baxa, salaadda janaasadana noo tukada, waliba iyagoo ay dhibaato badan ay heysato, waana dad aan qalbiga ka jecelnahay oo aan qalbiga ka ognahay.”

Intaas kadib madaxweyne ku xigeenkii Turkiga ayaa istaagay oo sacbiyay, waxaana la kacay dhammaan masuuliyiintii kulanka kasoo qayb gashay oo iyagana bogaadiyay taageerada ay dadka Soomaaliyeed u hayaan reer falastiin, sida uu wareysigaan ku sheegay Wasiirkii hore Macdanta iyo Batroolka Galmudug Cabdulqaadir Jantalmaan.

Kulankii ducada ayaa soo idlaaday, Ismaaciil Haniya ayaa fadhigoodii ugu yimid labadii masuul ee Soomaaliya ka socday, isaga oo yiri “ha iga teginina waan sheekeysaneynaa.”

Wasiir Jantalmaan waxa uu sheegay inay israaceen Ismaaciil Haniya, isagoo gacanta ku dhegan ayuu galay qol yar, waxaana qolka ku jiray madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan.

Hoggaamiyihii Xamaas Ismaaciil Haniya ayaa madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan u sheegay in labadani masuul ay yihiin walaalaha Soomaaliya.

“Madaxweynaha Turkiga waa uu noo istaagay oo waxa uu yiri, Soomaaliya waa walaalo aad u macaan oo afar boqol oo sano aan saaxiib nahay, kadibna halkaas ayaan ku sheekeysannay inteennii goonida isula soo baxday iyo Madaxweyne Erdogan,” ayuu yiri wasiir Cabdulqaadir Maxamed Siciid (Jantalmaan).

Bayaan ay soo saartay Xarakada Xamaas ayaa lagu xaqiijiyey in Sheekh Ismaaciil Haniyeh lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday hoyga uu ka deggenaa caasimadda Iiraan ee Tehran, kadib markii uu ka qayb galay xafladdii caleema saarka madaxweynaha cusub ee Iran Masoud Pezeshkian.

Dowladda Soomaaliya ayaa safka hore uga jirta dalalka ka tacsiyeeyay dilka Ismaaciil Haniya, waxaana xusid mudan in dadka Soomaaliyeed ay marar badan dhigeen dibad-baxyo lagu taageerayo shacabka Falastiin, loogana soo horjeedo duqaymaha ay Israa’iil ka wado Qasa.

Sidoo kale culimada Soomaaliyeed oo afar maalmood uu shir sanadle ah Muqdisho uga socday ayaa tacsi ka soo saartay geerida Sheekh Ismaaciil Haniya, hoggaamiyihii Xamaas oo ahaa wadaad ahlu diin ah oo xaq u dirir ah.



Source link