ISLOW oo si adag ugu jawaabay Cabdisaciid, farriina u diray mas’uuliyiin kale

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa ka jawaabay wareysi uu bixiyay La-taliyihii hore ee amniga madaxweyne hore Farmaajo, Cabdisaciid Muuse Cali, kaasi uu ku sheegay in xukunka dalka loo baneeyo Al-Shabaab.

Cabdisaciid ayaa ku dooday in dowladda ay ku guul-dareysatay inay iska difaacdo daan-daansiga iyo xad-gudubka uga imaanay Itoobiyaanka uu hoggaaminayo Abiy Axmed, sidaas darteedna haddii aan la iska dhicin karin damacaasi xukunka loo baneeyo Shabaab.

Islow oo qoraal soo saaray ayaa hadalka la-taliyihii hore ku tilmaamay mid qeyb ka ah xarka goosadka siyaasiyiinta baryahaan, isaggoona u jeediyay inay mucaaradadu u kala soocnaato mas’uulka xilka haya iyo qarannimada, si naceybka shaqsiga uusan xadka uga tallaabin.

“Saaxiibadii hore ee Kaarka iska gubay, waxaan leeyahay: Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn in aan caddowga umaddan isu dhiibno,” ayuu yiri Islow si duur-xul ah ugu jawaabay Cabdisaciid.

Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalka “Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa inaan ku dhex shaqeynayo sharciyadda Baarlamaanka. Dowladnimada ayaa ka weyn Dan kasta oo gaar ah.”

Hoos ka aqriso qoraalka Islow

TALO QARAN

Waxaa muddooyinkan danbe baraha bulshada kusoo batay siyaasiyiin, madax hore iyo xildhibaanno xadka kasii tallaabaya. Waxaan rabaa inaan ka siyaasi iyo nabaddoon ahaan saaxiibadey u jeediyo talada soo socota:

“Walaalayaalow waa inay noo kala soocnaato naceybka mas’uulka xilka haya iyo Qaranimada: Micnaha adigoo Madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha ku xumeynaya, yeysan mucaaradnimadu kula gelin inaad Caddowga Khawaarijta la safato.

Adigoo is leh dowladda joogta ku ceebeey, Qaranadimada ha dhaafsan inuu Dal caddow ah Qorshihiisa kuu soo dhiibo.

Saaxiibadii hore ee Kaarka iska gubay, waxaan leeyahay: Waxaa jira wax badan oo aad ku mucaaradi karto madaxda dowladda oo aan ahayn inaan caddowga umaddan isu dhiibno.

Xildhibaannada waxaan ugu naseexeynayaa inaan ku dhex shaqeynayo sharciyadda Baarlamaanka. Dowladnimada ayaa ka weyn Dan kasta oo gaar ah.

Mahadsanidiin



Source link