Iroobiya oo safiir ka dhigtay Wakiilkii u joogay Hargeysa xilli dowladda Soomaaliya ay…

Posted on

Dowladda Itoobiya ayaa safiir buuxa u magacawday wakiilkii u joogay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, xilli dowladda Soomaaliya horey u amartay in la xiro qunsuliyadda Itoobiya ku leedahay magaalada Hargeysa.

Qunsulkii ama Wakiilkii dowladda Itoobiya u jooogay magaalada Hargeysa, ayaa loo dallacsiiyey derajada safiir buuxa, , waxa ayna taasi ka dhigan tahay in Itoobiya dal madax-bannaan u aqoonsan tahay maamulka Somaliland.

Madaxweynaha dalka Itoobiya Sahle-Work Zewde ayaa dhawaan magacawday 24 safiir, waxaana safiiradda la magacaabay ku jira wakiilkii Somaliland u joogay Itoobiya oo hadda laga dhigay safiir buuxa.

Safiiradda la magacaabay ee gaaraya 24-ka safiir ee ayaa u kala qaybsanaa in 10 ka mid ah ay yihiin safiiro buuxa oo haysta awood dhammaystiran, halka 14-ka kalena loo magacaabay keliya safiir.

Xubnaha la siiyey safiirnimadda buuxda waxaa ka mid ahaa safiir Delil Kedir Bushra, oo dalka Itoobiya markii hore wakiil caadi ah uga ahaa magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

Magacaabistan safiirka buuxa u muuqda mid Itoobiya ku dooneyso in ay Somaliland ku aqoosato, waxa ay sidoo kale kusoo aadeysaa xilli horey dowladda Soomaaliya u amartay in la xiro qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Source link