Iran oo shaki ka muujisay shilka uu ku dhintay Madaxweyne Raisi iyo xubno kale

Posted on

Warbaahinta dawladda Iran waxay sheegtay in Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran, Major General Mohammad Bagheri inuu ku dhawaaqay koox baarayaal khaas ah oo Milatari, duullimaad iyo Khubaro kale, kuwaasoo u safri doona goobta ay ku dhacday diyaaraddu uu la socday madaxweynihii geeriyooday ee Ebrahim Raisi, wasiirka arrimaha dibadda iyo saraakiil kale.

Kooxdan ayuu ujeedkoodu yahay ururinta caddeymo ugu dambeyntii lagu oggaado sababta shilka dayuurada uu la socday madaxweynaha

Iran waxay ku eedeysay Mareykanka shilka diyaaradeed ee uu ku dhintay Raisi, sababo la xiriira cunaqabateynta uu hoggaaminayay ee muddada dheer saaran oo u diidday Iran inay horumariyaan qalabkooda duulista, iyadoo saraakiil dawladda ka tirsan oo ka hadlay telefishinka Iran ay ku sheegeen Mareykanka inay u tixgelinayaan inuu yahay dambiilaha shilkan.

Warbaahinta Iran ayaa shaki ka muujisay in shilkaas uu ku dhintay madaxweynaha uu ahaa shirqool la qorsheeyey, iyagoo meelaha ugu badan ee ay farta ku fiiqayaan ay ku jirto Israel inkastoo aysan soo bandhigin cadeymo arrintaas muujinaya.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa la aaminsan yahay inay u dhinteen shilal diyaaradeed Iran tan iyo sannadkii 1979, iyadoo loo aqoonsanyahay Iran dalka haysta diyaaradaha ugu da’da weyn, mar kastana duulimaadyada waa kuwa halis ah.

Source link