Iran: “Jawaabtu sidan wey ka adkaan doontaa, haddii ay Israel sameyso qalad kale”

Posted on

Iran ayaa sheegtay in weerarka ay ku qaaday Israa’iil uu jawaab u yahay weerarkii Israa’iil ay ku qaadday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq ”

Ergada Joogtada ah ee Iran u joogta Qaramada Midoobay oo ku sugan magaalada New York ayaa sheegtay in weerarkii aroornimadii Axadda uu jawaab u ahaa gardarrada Israa’iil ee ka dhanka ah xarumaha diblomaasiyadeed ee Dimishiq.”

Israa’iil ayaa horaantii bishan weerartay dhisme Iran ay ku leedahay magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya, iyadoo afhayeen u hadlay milaterigu uu sheegay in Israa’iil ay rumaysan tahay in dhismaha Iiraan lagu weeraray uu ahaa “dhis ciidan.”

Iran ayaa sheegtay in Hawlgalka loo arkay in la soo gabagabeeyay. haddii maamulka Israa’iil uu khalad kale sameeyo, jawaabta Iran waxay noqon doontaa mid aad u adag” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Ergada Joogtada ah ee Iran

Wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa iyana sheegtay in waddanku uu ka jawaabay waxa uu ugu yeeray “falka gardarrada ah ee taliska Sahyuuniyadda ee ka dhanka ah safaaradda Iran ee Dimishiq.”

Warbixin lagu sii daayay Telegram, ayay wasaaraddu ku sheegtay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay gudanayeen xuquuqaha is-difaaca ah ee ku xusan qodobka 5-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay kaga jawaabayaan xadgudubyada militari ee soo noqnoqday ee taliska Sahyuuniyadda.

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ku dhaqaaqday tallaabooyin difaac ah oo ay ku fulinayso xaqa ay u leedahay is-difaaca, waxay muujinaysaa sida mas’uuliyadda leh ee Iran ay ugu wajahan tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo tan caalamiga ah, xilli falalka sharci-darrada ah iyo xasuuqa ah ee taliska Sahyuuniyadda Sahyuuniyadda uu kula kacayo qaranka Falastiin.” ayaa bayaanka Iran lagu yiri.

Bayaanka wasaaradda ayaa lagu soo gabagabeeyay: “Haddii loo baahdo, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran kama labalabayn doonto inay qaado tillaabooyin difaac ah si ay u ilaaliso danaheeda sharciga ah ee ka dhanka ah fal kasta oo militari oo gardarro ah iyo adeegsiga sharci darrada ah.”

Source link