Imaaraadka oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta Soomaaliya

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ay ku xoojineyso xiriirka Soomaaliya, waxaana maanta xafiis cusub oo muhiim u ah xiriirkaas ka furtay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Safiirka Imaaraadka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Axmed Jumca Rumeythi ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daah-furay xarunta bixinta dal ku galka, taas oo hadda kadib dadka Soomaaliyeed ay ka qaadan doonaan visaha.

Danjire Axmed Jumca Rumeythi ayaa shaaca ka qaaday in furitaanka xaruntan ay kamid ka tahay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayna ka go’an tahay inay sii hormariyaan iskaashiga ka dhexeeya labada dhinac.

Xaruntan cusub ayaa waxa waxa ay noqonaysaa qunsuliyaddii ugu horreysay oo Imaaraadka Carabta ka furo magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dalka kadib.

Imaaraadka ayaa kamid ah dowladaha Carbeed ee haatan xiriirka wanaagsan la leh dowladda federaalka, wuxuuna xiriirka sii ballaartay kadib dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee 15-kii May sanadkii 2022-kii.

Dowladda Imaaraadka ayaa Soomaaliya ka taageerto dhinacyada dhaqaalaha, bani’aadanimada iyo ciidamada, waxayna saldhig ku leeyahay magaalada Muqdisho, kaas oo ay joogaan saraakiil sar sare oo tababaro siiya ciidamo ka tirsan dowladda.



Source link