Imaamka Masjidka Cali Jimcaale oo si adag uga hadlay gefkii loo geystay Sheekh Cismaan Xiddig

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maamulka Masjidka Cali Jimcaale ayaa si rasmi ah uga hadlay kacdoonkii maanta ka dhashay qoraal uu baraha bulshada ku faafiyey nin la sheegay inuu ka mid yahay culimada Masjidka Cali Jimcaale, waxaana shir jaraa’id qabtay Imaamka masjidka Cali Jimcaale, Sheekh Cabdikariin Ciise Cali.

Shiiqa ayaa marka hore u tacsiyeeyay Sheekh Cismaan Xiddig, isagoo sheegay in Shiiqa uu ahaa caalim dhaxal uga tagay umadda Soomaaliyeed iyo tiir ka baxay bulshada.

Sheekh Cabdikariin waxa uu sheegay in qoraalka Ibraahim Ciyoow uu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka tarjumeynin maamulka masjidka.

“Maamulka majidka Cali Jimcaale wuxuu iska fogeynaa qoraalkii Ibraahim Ciyoow uu ku qoray bartiisa Facebook ee uu ugu gafay sheekha” ayuu yiri Sheekh Cabdikariin.

Qoraalkii uu soo dhigay bartiisa Facebook Ibraahim Ciyoow ayaa u muuqday mid uu ku naqdinayey culumo sheekha u tacsiyeeyay, shiikha qudhiisana uu ku durayey, isagoo yiri “Waa sax in uu kitaabo badan qoray, balse ma taqaan kutubtiisa oo ma aragtay? Kuligood ama badankooda waxa uu ku difaacayaa inta aan Suufiyo isku hayno”.

Imaamka Masjidka Sheekh Cabdikariin oo aqrinayay war-saxaafadeedka uu maamulka masjidka soo saaray ayaa sheegay in masjidka uu ku dadaalayo in cid walba oo sabab u noqon karta in ay kala geyso umadda aysan korin mimbarka masjidka.

“Maamulka Masjidka waxa uu cadeynayaa in Ibraahim Ciyoow iyo ruux walba oo la mid ah uusan mar kale fursad u siin doonin in masjidka ay qudbad ama kalmad ka jeediyaan. Dhaqanka Islaamka kama mid ahan in culumada la aflagaadeeyo ama lagu xadgudbo, hilibka culumada waa sun, ha noolaadaan ama ha geeriyoodaan” ayuu yiri Imaamka Masjidka Cali Jimcaale Sheekh Cabdikariin Ciise Cali.

Sheekh Cusmaan Xiddig, waxa uu muddo ka badan 40 sano ahaa daaci iyo macallin ka shaqaynayey fiidinta diinta Islaamka habeen hore ayuu ku geeriyooday Muqdisho oo shalay meydkiisa lagu aasay.

Dadka Soomaaliyeed iyo qaar kamid ah culimada dunida islaamka ayaa si weyn uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Xiddig, dadka yaqaana Sheekha ayaa ku tilmaamay inu ahaa “maktabad soconaysay.”

Sheekh Cusmaan Xiddig, ayaa muddo dheer lagu yaqiinay soo saarista kutub kala duwan oo ku saabsan culuumta kala duwan ee Islaamka iyo wacyiga nololeed ee Soomaalida, kutubta uu qoray Sheekh Cusmaan Xiddig oo aad u badan waxaa inta badan laga helaa jaamacado ku yaalla dalalka Islaamka, gaar ahaan jaamacada Axqaaf oo ku taalla dalka Yemen, sidoo kale dalka Ciraaq ayaa ka mid ah wadamada laga akhristo kutubta uu qoray Sheekh Cismaan Xiddig.



Source link