Howlgal lagu beegsaday Al-Shabaab oo ka dhacay BAKOOL

Posted on




Xudur (Wararka Maanta) -Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Bakool ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Howlgalladan oo laga gaaray natiijo wax ku ool ah ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay guutada 9-aad qeybta 60-aad, kuwaas oo beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Abaanduulaha guutada 9-aad qeybta 60-aad dhamme Cilmi Aadan Isaaq oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in ujeedka howlgalladan uu ahaa furista wadada isku xirta magaalooyinka Xudur iyo Qurac Joome oo inta badan ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Dhamme Cilmi Aadan Isaaq ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dowladda ee howlgalka sameeyay ay cagta mariyeen goobo badan oo ay ku jiraan jidgooyooyin ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan howlgalladooda, isla markaana ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan aagga degmada Xudur.

Waddada dheer ee xiriirisa Xudur iyo Qurac Joome ayaa ah wado muhiim ah oo mudo dheer u xirneyd kooxda oo go’doon gelisay deegaanada ku yaalla halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed.










Source link