Hoggaamiyaha SSC oo digniin ka bixiyey talaabo ay qorsheyneyso Somaliland

Posted on

Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal kale ku soo qaado deegaanada SSC-Khaatumo, isagoo sheegay inay jilibka u laabi doonaan.

Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa mar uu la hadlayey jaaliyada reer SSC-Khaatumo ee magaalada Rooma waxaa uu sheegay in hadii maamulka Somaliland ay weerar kusoo qaadaan deegaanadiisa ay u dhigi doonaan cashar la mid ah ama ka xun kii hore

“Hada Muuse waa soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxaa hal ku dhag u ahayd Muusow ciidanka fasax, Muuse hada wuxuu leeyahay ka baydha waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi” ayuu yiri Firdhiye.

Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lumisay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool.

Somaliland iyo SSC-Khaatumo mid walba ciidammo iyo hub badan bay ku daabbulayaan goobaha dagaalka, waxaana arrintaas ay walaac cusub ku abuurtay shacabka goboladaas.

Source link