Hanti-dhowrka oo xisaabiyaha qaranka & xafiiska RW u gudbiyay natiijada baarista…

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS ayaa maanta gudbiyay natiijada baarista uu ku sameeyay sannad-maaliyadeedka dhammaaday ee 31-da Diseembar 2023.

Hanti-dhowrka ayaa dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee kasoo baxay baarista xafiiska ku sameeyay sannad-maaliyadeedkaas la wadaagay maamulka sare ee xafiiska xisaabiyaha guud, xafiiska ra’iisul wasaaraha, wasaaradda maaliyadda iyo golaha shacabka.

Xafiiska Hanti-dhowrka ayaa sheegay inuu mar walba u taagan yahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka iyo xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga.

Hanti-dhowraha Guud Axmed Ciise Guutaale ayaa xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahad-celiyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta baarista.

Maalmo kahor ayey aheyd markii uu hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Guutaale uu shaaciyay in khasnada dowladda ay ka maqan tahay lacag ka badan $21 Milyan.

Maqnaashaha lacagtan ayaa dibada usoo baxday kadib baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda.

Lacagta malaayiinta ah ee la musuq-maasuqay ayaa qeyb ka aheyd lacag $33 Milyan ah oo xafiisyadaas ay qabteen sanadihii 2018 illaa 2023-kii.

Lunsashada lacagtan ayaa saameyn ku yeelatay dowladda dhexe, oo hanti-dhowrka uu sheegay in xitaa ay deyn u gashay sidii mushaaraadkooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada.

Musuq-maasuqa ayaa ah mid si weyn u curyaamiyay kor u kaca dakhliga dowladda, xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegto inay la dagaamaleyso, islamarkaana masuuliyiin qaar u maxkamadeysay kiisas musuq.



Source link