Hakan Fidan oo ku wajahan Addis Ababa iyo xogta wada-hadallada DF iyo Itoobiya

Posted on

Ankara (Wararka Maanta) – Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa maalinta berri ah booqasho ku tagaya magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Hakan ayaa sida uu qorshuhu yahay la kulmi doona wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atkse Selassie iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, xilli ay taagan tahay xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya.

Turkiga ayaa dhex-dhexaadinaya dowladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya, iyada oo bisha soo socoto ee September loo balansan yahay wajiga labaad ee wada-hadallada labada dhinac, kadib markii wax natiijo lagu gaari waayay kulamo hordhac ah oo labada dhinac la isugu keenay Ankara.

Horraanta bishii hore markii la isugu tegay miiska wada-hadalka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ahaa “in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Muuse Biixi, si loo guda-galo wada-hadalka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Hakan Fidan oo markaas garbihiisa ay taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024.

Dawladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland.

Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.



Source link