Hakan Fidan oo Addis Ababa ka wada qorshe ku saabsan xiisadda Somalia iyo Ethiopia

Posted on

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Hakan Fidan ayaa shalay gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo halkaas kula kulmay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, sidaas ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Turkiga.

Dawladda Turkiga waxay sheegtay in safarkaan uu qayb ka yahay qorshaha dhex-dhexaadinta ah ee dawladda Turkiga ay ka dhex wado Soomaaliya iyo Itoobiya, si xal loogu helo khilaafka ka dhex dhashay labada dal ee salka ku haya heshiis beenaadii badda ee Itoobiya la saxiixatay Somailand.

Sidoo kale wasiir Fidan ayaa la kulmay dhiggiisa Itoobiya Taye Atske Selassie, safarkaan ayaa la sheegay inuu qaada doono dhowr maalmood.

Sida ay sheegtay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Itoobiya, Turkiga ayaa waxa uu kala hadlay arimo ay ka mid yihiin khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya iyo guud ahaan xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Twitterka ra’iisul wasaaraha Itoobiya war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda Turkiga iyo Abiy ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, waxaana xusid mudan in Soomaaliya ay garab ka raadineyso Turkiga si looga difaaco hadii Itoobiya awood adeegsato.

Bishii June waxaa magaalada Ankara ee dalka Turkiga wadahadal uu Turkigu garwadeen ka ahaa ayaa la qorsheeyey in dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ku yeeshaan, balse farsamooyin la isku fahmi waayey oo salka ku haaya khilaafka badda ayaa sababay in wadahadalkaasi fashilmo.

Kadib markii ay fashilmeen wadahadaladii la rabay inay ka furmaan Ankara, waxay dhinacyadu isku raaceen in ay kulan kale Ankara ku yeeshaan 2-da bisha soo socota ee September.

Bulshada caalamka ayaa waxay bogaadisay doorka ay dawladda Turkigu ka ciyaarayso u kala dabqaadista Soomaaliya iyo Itoobiya oo markii dib loo eego tariikhdooda ay dhexmareen dagaalo adag oo lagu hoobtay.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan inta uu joogo Itoobiya waxaa la sheegay inuu ka shaqeynayo sidii loo dhex dhexaadin labada dal ee Turkigu saaxiibka la yahay, sidoo kale Turkiga oo aad u daneeya gobolka Geeska Afrika ayaa dantiisa ka dhex arka Soomaaliya iyo Itoobiya oo heshiis ah.



Source link