Hab hoggaaminta Xasan Sheekh oo aan sii shaqeyn doonin hal sabab darteed

Posted on

Muqdisho (Wararka Maanta) – Hab hoggaaminta madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida muuqata sii shaqeyn doonin, ayada oo loogu baaqay inuu sida ugu dhaqsaha badan wax uga beddelo.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh aysan usii socon doonin hab hoggaaminta ah “xaaladaha sideeda ku hay”, isaggoo tusaale usoo qaatay waxa hadda ka socda maamulka Galmudug.

“Waxa ka dhacaya Galmudug, bilaha soo socdana dalka ka dhici doona, waxay daaha ka rogayaan in aysan shaqayn doonin hab hoggaamintii madaxweynaha ee ahayd (retain the status quo). Waxaan dhexda ka geli doonaa mowjado siyaasadeed iyo dhacdooyin iswada, hoggaanka dalkuna daba ordo,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan.

Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay May 2022 ayaa u muuqday mid ku howl-galaya siyaasad keli-socod ah, isaga oo meel iska dhigay jiheynta iyo kala-qabashada saaxiibada iyo xubnaha kale ee maamulkiisa ka tirsan, waana midda uu ka deyriyay xildhibaanka.

Fagaarayaasha siyaasadda ayaa waxaa caan ka ah oo oraah sifeynaysa hab-maamulka madaxweynaha, taas oo dhaheysa “ninkii raaya ayaa reerka u haraya”, oo la macno ah in madaxweynaha uu isku fiirsado laba kasta oo loollamaysa, xataa haddii dhexdooda ay ku dhimanayso maslaxadda guud ee dalka.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan

Siyaasaddu waa dan guud oo laga dhex doonayo dad kala damac ah oo dano is diidaya leh, waa dagaal aan dhiig ku daadan, sababtoo ah go’aannadeeda ayaa abuuraya godob iyo abaal, cadow iyo saaxib, taageero iyo diidmo, libin iyo jab, sumcad iyo magac xumo. Waa masiir ummadeed ee ma aha meel ilmo laga biisho ama muufo laga raadiyo.

Dhacdooyinka siyaasaddu waxay la mid yihiin hirarka badda oo hore iyo gadaal u socda, waa mowjado cartamaya, sawaxan iyo saxmad leh.

Dhacdooyinka waa in aad hagtaa oo aysan iyagu ku hagin, waxaa si fiican u tilmaamay Harry Truman oo ahaa Madaxweynihii 33-aad ee Maraykanka markuu yiri;

“Madaxweynuhu waa in uu dhacdooyinka ka sarreeyo, haddiise uu labalabeeyo, iyagaa ka sara mara”.

Waxa ka dhacaya Galmudug, bilaha soo socdana dalka ka dhici doona, waxay daaha ka rogayaan in aysan shaqayn doonin hab hoggaamintii Madaxweynaha ee ahayd, xaaladaha sideeda ku hay (retain the status quo). Waxaan dhexda ka geli doonaa mowjado siyaasadeed iyo dhacdooyin iswada, hoggaanka dalkuna daba ordo



Source link